Col. Axmed Cumar Jees ayaa ku eedeeyey madaxweynaha & ra’isal
wasaaraha inay jebiyeen Axdi qarameedka dowlada FKMG ah
Buluugleey August 25, 2005
Col. Axmed Cumar Jees oo ka mid ah siyaasiyiinta
Soomaaliyeed kuwa ugu caansan, kana tirsan xildhibaanada
baarlamaanka dowlada KMG ayaa daaha ka qaaday arrimaha ay isku
mari la'yihiin xubnaha dowlada ee ku kala sugan Muqdisho iyo
Jowhar, taas oo ku timaamay inay tahay in madaxweynaha iyo
ra’isal wasaaraha ay jebinayaan Axdi qarameedka dowlada KMG.
“Waxaa la isku haysto waa Xamar ha la yimaado, Xabashina ha la
daayo” ayuu yiri Col. Jees. Wuxuu Col. hadalkiisii
raaciyey, "Madaxweynuhu wuxuu go'aansaday inuu maamulka sidii
keligii teliye la hoos geeyo oo uu wax kasta gacanta ku dhigo,
iyada oo aan barlamaanka lagala tashan,
taasina waa wax khilaafsan Axdi qarameedka.
Xubnaha labada gole dowladda ee ku sugan Muqdisho waxey ku
shaqeynayaan buu yiri Col. Jees sida Axdigu qarameedku qabo,
wafaqsanna wixii barlamanku go’aamiyeen.
Col. Jees isagoo ka hadlayey eedeynta ka imaan karta hadii
xubnaha Muqdisho ku sugan dadaalkood hakado,ama ay caqabdi ku
timaado wuxuu yiri, “Eeda iyagu ma laha oo waxey qabanayaan
intii karaankooda ah”.
Wuxuu kaloo ka hadley keenitaanka Ciidamada shiyeeye
oo ay weli ku adkeesanayaa madaxweynaha iyo ra'isal wasaruhu,
wuxuuna yiri, "Xalka Soomaaliya dawo uma aha ciidamo shisheeye
in loogu hanjabo ee waxey
Soomaaliya
u baahan tahay dib u heshiisiin daacad laga wada
yahay”.
Soomaaliya dowlad dhexe malaha in ka badan 14 sanadood, taasina
waxa ugu wacan umada Soomaaliyeed oo weli la hardameyso fikirka
keliyetalisnimada iyo
in
xoog wax lagu xalliyo, taasna xal ma aha. Waxaa lagama
maarmaan ah in siyaasiyiintu is tusaaleeyaan, oo go'aankoodu ka
yimaado wada tashi iyo isku tanaasulid si loo gaaro xal waara.
