Siyaasiyeen Badan oo Ka Soo Jeeda Gobolka Bari Ayaa Ka Soo
Horjeystey Siyaasada Col. Cabduulahi Yusuf uu Ku Doonayo Dagaal
Buluugleey, Sunday, September 11, 2005
Siyaasiyiin badan oo
ka soo jeeda gobolka Bari ayaan ku qancin qaabka siyaasada Col.
C/llahi Yusuf iyo sida ku dhisan qabqablanimada ee uu u dhaqmayo.
Hadda ka hor ayaa talo ka socota wasiirkii kowaad ee dowladii
Adan cadde, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, waxey u soo
jeedisey Col. C/llahi Yusuf inuu ka tanaasulo qaabkiisa ku
dhisan dagaal oogida, uuna wax ka dhiso nabada oo ah lagama
maarmaan.
Sidoo kale waxaa isaga tegey korneylka siyaasyiin kale oo ay
isku heyb ahayeen sida Col. Xasan Abshir oo aan marna ku qancin
qorshaha siyaasadeed ee Col. C/llahi uu ku howlgelayo. Gaabsiga
Col. Xasan Abshir ayaa loo fasirtay inuu khilaaf xagga fekerkaa
ka dhex jiro isaga iyo Col. C/llahi.
Cabdirisaaq Xasan Cusmaan “Juriile” oo keliya ayaa hadda ku
haray Col. C/llahi Yusuf inuu kala arrimiyo dhinaca siyaasada,
isaguna ma dheera wakhtigii uu ka siiban lahaa siyaasadaas aan
mirodhalka lahayn. Hadda ka hor Juriile mar uu wareysi siinayey
weriyeyaal ka socda wargeyska ka soo baxa Ingriiska ee loo
yaqaan Telegraph, wuxuu u sheegay haddii sidaan ay wax ku sii
socdaan in meesha lagu kala tegayo bilo yar kadib. Taas waxey
dad badan u macneysteen heerka uu gaarsiisan yahay caburka
siyaasadeed ee ka jirta qorsha xumada loo agaasimay siyaasada
Col. C/llahi Yusuf. Juriile oo siyaasada kaalin weyn ka ciyaari
kara ayaa sida la saadaalin karo aysan hadda uu muuqan inuu
wakhti dambe isaga sii dhumin doono xarig jiidka u dhexeeya
Xamar iyo Jowhar.
Sidaas si la mid ah ayaa Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni-boqor) oo
ka soo jeeda degmada Qardho ee gobolka Bari, dhowaanna ka soo
laabtay safar uu ku tegay dalka Ingiriiska ayaa ku tilmaamay
madaxweynaha dowladda federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed in uu
doonayo in uu isku biimeeyo bam inuu isku qarxiyo.
“C/llaahi Yuusuf halkii uu dalku marayey 1991-dii ayuu doonayaa
in uu dib noogu celiyo maanta oo la marayo 2005-ta” ayuu yiri
Jinni-boqor oo intaasi sii raaciyey in ay dhicisowday dowladda
Col. C/llahi, taana uu mas’uuliyadeeda leeyahay isaga.
“Koox NG0-ley ah ayaa geysatay Jowhar C/llaahi Yuusuf, halkii uu
nabad ka abaabuli lahaana colaad buu ka shaqeynayaa, shacabkuna
ma ogolaan doono keligitaliye qabiileyste ah oo wiilashii uu ka
soo uruuriyey Gobolka Bari keenay Jowar si uu ugu isticmaalo
dagaal qabiil oo aysan danta Soomaalidu maanta aysan ku jirin”
ayuu yiri Jinni-boqor oo arrin qalad ah ku tilmaamay in Col. C/llahi
isagoo xeerinaya qabiilnimo in uu hubeeyo ciidamada ka yimid
Bari, kuwa kalena uu hubka ka dhigo oo uu tuso kalsooni darro.
“C/llaahi Yuusuf wuxuu doonayaa in uu isbiimeeyo oo uu qarxiyo
bamka uu gacanta ku wato, laakiin Insha ALLAAH isaga ayey ku
qarxi doonta” ayuu yiri Jinni-boqor oo sheegay in uu u soo
jeedinayo shacabka Soomaaliya in ay indhaha ku hayaan duulaanka
uu Jowhar ka abaabulayo C/llaahi Yuusuf.
Col. C/llaahi Yuusuf ayaa wareysi uu shalay siiyey BBC-da wuxuu
ku sheegay in aysan jirin wax dagaal ah oo uu la damacsan yahay
magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in ciidamada lagu uruurinayo
Jowhar ay bilow u yihiin ciidamo Qaran oo dalka loo dhisayo.
Dadka intiisa badan ayaa ka walaacsan dhaqanka C/llahi Yusuf oo
gacana caalamka ku tuugsanaya, gacanta kalena hub ku uruursanaya.
Korneylku wuxuusan garan in sababta loo siin waayey dhaqaale uga
yimaada caalamka ay sabab uga dhigeen dhaqankiisa ku dhisan inuu
deeqda dibeda u adeegsado abaabul dagaal.
Cabdishakuur48@hotmail.com
