REER JOWHAR OO KALA BADBAADIYAY LABADA
GARAB EE DOWLADA KMG
Magaalo madaxda gobolka Shabeelada Dhexe ee Jowhar ayaa sanadka
2005 ka waxa ay noqotay meesha ay ugu hadal haynta badatay
saxaafada gudaha iyo mida dibadaba guud ahaanba marka laga
hadlayo arimaha Soomaaliya. Jowhar oo hoy u ah mid ka mid ah
labada garab ee dowlada is khilaafsan ayaa si weyn uga
macaashtay lacagta adag ee ka soo gashay martida iyo wufuuda
kale ee buuxdhaafisay dhamaanba xaafadaha magaalada. Dhinac kale
hadii aynu ka eegno, reer Jowhar waxa ay sabab u noqdeen in aanu
ilaa iyo hada dagaal hubaysani dhex marin labada garab ee
dowlada taasi oo ay u suurta galiyeen dhorka arimood ee hoos ku
qoran;
1-Col. Cabdullaahi Yuusuf oo loo diiday in uu jowhar ka abaabulo
dagaalo lagu waxyeelaynayo dadka muqdisho.
Col. Cabdullahi Yuusuf iyo taageerayaashiisa
mintidka ah ayaa si weyn ugu dadaalay in ay abaabulaan ciidamo
Soomaali iyo ajnabi isugu jira oo huwan magacyada ciidan qaran
iyo nabad ilaaliyayaal oo cagta mariya Muqdisho iyo nawaaxigeeda
si aan dib danbe loogu arag cid is hortaagta madaxweynanimada 25
ka sano loo soo dagaalamayay. Reer Jowhar ayaa waxaa u cuntami
weyday in ay soo dhawaynta iyo marti gelinta madaxweynaha ugu
daraan in uu magaaladooda ka dhigto dhufays uu uga duulo
Muqdisho oo ah halka ay maatidoodu joogto maalkooduna yaal.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Dhexe, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed
Dheere), ayaa is hortaagay in ciidamo la keeno degmada Jowhar
marka laga reebo kun nin oo ah malayshiyooyin reer Puntland ah
oo ay iyaga qudhooda laga mamnuucay wax dhaqdhaqaaq dagaal ah.
Go’aankaa adag ee ay reer Jowhar qaateen ayaa waxa uu dhabar jab
ku noqday qorshihii uu Cabdullaah Yuusuf doonayay in Jowhar oo
Muqdisho u jirta 90km ay u noqon doonto qalcad adag oo uu ka
hoggaamiyo dagaal lagu qaado gobolka Banaadir. Sidoo kale, waxa
ay arintani kalsooni galisay dadka reer Muqdisho oo si aad ah
isha ugu haya dhaqdhaqaaqyada ka socda Johar.
2- Hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho oo aan ku dedegi karin dagaal
ay ku qaadaan Jowhar.
Qabqablayaasha dagaalka ee Muqdisho oo caqabad weyn
u arka joogitaanka Cabdullaahi ee Jowhar ayaan marnaba ku dedegi
karin dagaal madaxweynaha looga saaro gobolka Shabeelada Dhexe.
Waxa ay ogyihiin in hadii ay xabad ku ridaan Jowhar in uu
dagaalku ka bilaabanayo Muqdisho, waayo, reer Jowhar xoog aad u
weyn ayay ku leeyihiin Muqdisho. Waxaa ay taa ka jeclaan
lahaayeen in uu Cabdullaahi u yimaado dhinacyada koonfurta iyo
galbeedka caasimad halkaasi oo ay deegaan ahaan ku badnaan
jireen beelaha aan hubaysnayn ee ay jabhadaha is cayrsanayaa
marba dhinac ugu tuman jireen. Hadaba awooda ciidan ee reer
Jowhar iyo saamaynta weyn ee ay ku leeyihiin Muqdisho ayaa ka
mid ah sababaha waaweyn ee baajiyay dagaal dhex mara labada
dhinac.
3- Reer Jowhar oo aan doonayn in uu ka daato dhaqaalaha badan
iyo hubka ay ka heleen grabk dowlada ee martida u ah
Sidii aan horayba u soo sheegnay, Jowhar oo ay ku
suganyihiin Col. Cabdullahi Yuusuf, Ra’isulwasaare Cali Maxamed
Geedi iyo tiro badan oo ka mid ah golayaasha wasiirad iyo
baarlamaanka, ayaa waxaa buux dhaafiyay martida dab raaca ah ee
doonaysa in ay u sii dhawaadaan madaxda dowlada si loogu
magacaabo darajooyin ay wax dhaqaale ah ka lufluftaan. Ninkii
guri dhagax ah Jowhar ku lahaa noocii uu doonaba ha ahaadee
maanta waa taajiray. Magaalada inteedi badnayd waxaa laga dhigay
hoteelo iyo makhaayado. Badeeco kasta oo magaalada la geeyo
dhulka ma dhacdo. Waxaa kale oo xusid mudan in uu maamulka
gobolku si lixaad leh u dhisay awoodiisa ciidan iyadoo uu
dhawaan la wareegay qalab milatari oo dowlada FKMG ah ka soo
gaaray dalalka Talyaaniga iyi Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee,
dadka gobolka oo uu shaki weyni uga jiro inta ay fursadan sii
haysan doonaan ayaa ku dadaalaya in ay damiyaan xiisada ka
dhexaysa Muqdisho iyo Jowhar si aanay u joogsan mashaariic badan
oo lagu hormarinayo gobolka oo hada gacanta lagu hayo. Dadaalkaa
nabad doonka ah ee gobolka loogu faa’ideeyo ayaa isaguna qayb
weyn ka qaatay ka hortaga dagaal ay labada dhinac ee dowladu
fooda isku daraan.
Ugu danbayntii, cid kasta oo gacan ka gaysata ka
hortaga dagaal hor leh oo ka qarxa dhulka Soomaaliya ayaa si
weyn loogu amaani karaa, waxaanse shaki ku jirin in nabad ay
keenaan dano dhaqaale amaba cabsi ay kooxi ka qabto guul daro
dagaal oo ku dhacda in aanay marnaba keeni karin xasilooni iyo
dowlad shaqaysa oo ay dadka oo dhan ku qanci karaan.
Abdirizaq Ahmed
Rochester, Minnesota USA
E mail: abdirizaq88@hotmail.com
