Prof.
Geedi oo hogaaminaya wafdiga golehiisii wasiirada ee
garabka Jowhar ayaa soo Gaarey Muqdisho
Buluugleey,
November 06, 2005
Prof. Cali
Maxamed Geedi oo uu hogaaminayo dhamaan wasiiradii ka joogey
magaalada Jowhar ayaa soo gaarey magaalada Muqdisho. Wafdigaas
oo soo raacay diyaarad uu leeyahay Jaamac Buluug oo ah nuuca
qaada Jaadka ayaa ka soo degey garoonka Cisileey, una sii gudbey
Hotel Ramadaan oo ku yaal waqooyiga Muqdisho, isaga oo doonaya
inuu Muqdisho ku kulmiyo golehiisa wasiirada oo u kala jabay
labada garab.
Prof. Geedi
ayaa laga sugayey wakhti dheer inuu soo gaaro Muqdisho si uu u
mideeyo golahiisa wasiirada oo u kala jabay Muqdisho iyo Jowhar.
Waxey imaanshihiisa xoojineysaa kulan guud oo dhexmara
wasiiradiisa fikirka ku kala tegey. Dadaalka weyn ee uu hadda
prof. Geedi uu ugu jiro isku keenida golahiisa wasiirada ayaa ah
mid uu aad ula soo daahay kadib markii hogaamiye kooxeedyada
Muqdisho ay ka quusteen xal ay la gaaraan Col. C/llahi,
dabadeedna ay go'aansadeen iney ku dhawaaqaan iney burburtay
dowladii loogu tala galay dib u heshiisiinta ee IGAD ay ku soo
dhistay dalka Kenya.
Ujeedada
Geedi ayaan marnaba ahayn mid la isku haleyn karo isaga oo
dabada la galay dagaaloogayaasha Jowhar sida Col. C/llahi Yusuf
iyo Maxamed Dheere. Dad badan oo Soomaaliyeed ayey hadda
maskaxdoodii ka baxday sida la isugu haleyn karo dadaalka uu
doonayo Prof. Geedi. Waxaa laga filayey Prof. Geedi oo aan
ahayn dagaalooge inuu ka istaago meel dhexe xarig jiidka dagaal
ee u dhexeeya dagaaloogayaasha Muqdisho iyo Jowhar oo ay huban
tahay inuu dhexmarayo dagaal qorsheysan oo Itoobiya ay ka
dambeyso.
Waxaa lagu
macneeyey imaatinka Prof. Geedi mid ay garabka Jowhar ku
doonayaan iney ku muujiyaan iney Muqdisho ku shireen oo keliya
si loo geliyo warbaahinta caalamka. Dhinaca kale waxaa socdey
dadaal lagu doonayo in lagu soo jiito xildhibaanada loo arkayo
iney dhuuniraacato yihiin si loo badiyo liiska ka soo jeeda
garabka Jowhar. Waxaa waayahan socdey wadahadalo dhinaca
telefoonada oo xubno badan oo jooga Muqdisho lagu gorgorinayey
qiimaha ay joogaan haddii ay doonayaan iney u soo leexdaan
dhinaca Jowhar. Wadahadaladaas dadka lagu jilciyey ayaa la
dhowrayaa inuu soo dhameystiro Prof. Geedi.
Safarka Prof.
Geedi uu ku yimid Muqdisho ayey dad badan oo ka tirsan
waxgaradka Soomaaliyeed u arkaan hadda midaan waxtar lahayn
waayo Col. C/llahi Yusuf ayaa ku guuleystey inuu marar badan
hakiyo socdaalka Geedi waqti uu wax badan qaban lahaa. Korneyka
ayey u qorsheysneyd oo la sugayey inuu soo diro Geedi kadib
markii uu sida uu rabey u gaarsiiyey meesha ay hadda arrintu
gaartey oo aan wax ka qabad lahayn.
Col. C/llaahi
ayaa cabsi weyn ka muujiyey inu Prof. Geedi uu ku cidleeyo
Jowhar, keligiisna uusan Muqdisho ka dhigan xaruun. Cabsida ugu
weyn ee uu Cabdullahi qabo waa in Prof. Geedi uu bilaabo dadaal
dhexdhexaadina ee uu la furo hogaamiye kooxeedyada jooga
Muqdisho, taas oo wax badan ka bedeli karta fikradiisa. Sidoo
kale waxaa aad looga ilaalinayey Geedi iney isku xirmaan Xuseen
Caydiid oo siyaasadiisu ay wejiyo badan tahay. Prof. Geedi ayaa
wuxuu ahaa nin xaga fikirka aad ugu dhowaa Janaraal M.F. Caydiid,
lana fili karo haddii uu siyaasadiisa wax badan ka bedelo inuu
ka helo taageero xoogan koofurta Muqdisho.
Ilaa iyo
hadda ma Cadda dhanka uu u dhaqaaqi doono Geedi oo ah ama inuu
dhexdhexaadnimo ku soo noqdo ama inuu u guryo noqdo garabkiisa
Jowhar. Dad badan waxey walaac ka muujiyeen in Geedi uu ku
sumoobey siyaasada dagaaloogayaasha Jowhar, rajada laga qabo
inuu ka caafimaado suntaasna ay adag tahay. Aqoon yahanka
Soomaaliyeed ayaa saadaalinaya in Prof. Geedi uu dhumiyey fursad
uu ku noqon lahaa hogaamiye ummadda Soomaaliyeed ku leh maamuus
kadib markii uu la iman waayey dhaqan ku saleysan fikradiisa oo
ka duwan kuwa ay ku dagaalamayaan dagaaloogayaasha Soomaaliyeed.
Ma jirto sadaal dhow oo tilmaameysa in Prof. Geedi uu dib u
saxayo mariinkii qaldanaa ee uu u soo qaaday siyaasada dib loogu
heshiisiinayo Soomaalida.
