Cabdirisaaq Jurille iyo Maxamed Dheere Ayaa Dib
Loogu Soo Celiyey Magaalada Jowhar
Buluugleey,Saturday, October 15, 2005
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed
Dheere) ayaa dib ugu soo noqday degmada Jowhar. Waxaa si ka
gooniya isna ugu soo laabatay Jowhar C/Jjurille oo hogaaminaya
wafdi kale, wafdigaan hadda kala socdey ayaa mar hore si wada
jira ugu wada duulay dalka Ethiopia, iyagoo halkaas u tagay inay
wada xaajood la soo yeeshaan Madaxda Dowladda Itoobiya. Safarka
labadaas nin oo markii hore isku ujeedo ahaa ayaa hadda u muuqda
inuusan isku ujeeddo ahayn.
Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya halka ay dhab ahaan ka soo
jeedo iney kala ujeedo noqdaan wafdigii israacay. Maxamed dheere
ayaa daneynayey inuu Nairobi kula kulmo Prof. Geedi, waxaase
loo soo duuliyey Godey oo dabadeed si toosa loogu soo celiyey
degmada Jowhar, meesha Jurille loo ogolaaday inuu soo maro
Nairobi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ay labada nin isku qoonsadeen
siyaasada la xiriirta ujeedadii loo tegey Itoobiya oo u badneyd
in dhaqaale Mareykanka looga helo la dagaalanka argagixisada iyo
in ciidamo Itoobiyana oo hubeysan la soo geliyo Jowhar.
Wararka qaarna waxey sheegayaan in Maxamed Dheere oo la filayay
inuu u duulo dalka Mareykanka marka uu dhameysto safarkiisa
dalka Itoobiya aysan dhicin is daba mar iyo iska daba hadal ka
dhexdhacay labadaas nin awgeed. si kastaba xaalku ha ahaadee
waxaa muuqata in bixitaankaas uu ka taagan yahay khilaaf,
sidaasna Maxamed Dheere uusan dhawaan ugu ambabixi doono dalka
Mareykanka.
Waxaa la filayaa in marka uu soo gaaro Geedi magaalada Jowhar ay
waxyaabo badan oo cabursan la filayo iney soo ifbaxaan. Jurille
ayaa ah nin ka farsamo sareeya Maxamed Dheere, marka waxa la
filayaa sida Geedi uu xurguftaas u xakameeyo ama uu u dheelitiro
farsamada Jurille.
