Laba nin oo Soomaali ah ayaa lagu dilay K/Afrika
Buluugleey April 18, 2005
Laba nin oo Soomaali ah ayaa
lagu dilay waddanka Koonfur Afrika. Waxaa lagu soo waramayaa in
labada nin ku hawloonaayeen ganacsi waxaana lagu dilay
dukaankooda dhexdiisa. Marii la dilay labadaasi nin ayey boobeen
wxixii yiil dukaankooda.
Labadas nin oo la kala oran
jiray Shaafi Max'ed Cali iyo C/Laahi Faarax Mux'ed
ayaa dukaan ku lahaa Dispatch oo ku taala duleedka magaalada
Port Elizabeth.
Labada marxuum ee ahaa
dallinyaro waxay ka mid ahaayeen qaxootiga Soomaalida ee intooda
badan u soo galay dalka Koonfur Afrika si ay uga noolaadaan.
Beryahaan waxaa dil fara
abdan lagu hayaa dadka Soomaaliyeed waxaana loo geystaa boob iyo
xatooyo farabdan. Inta abdan nabadgelyada magaalooyinka K/Afrika
qaarkood ayaa laga deyrinayaa amaankooda.
