Mr. Kipligat aya hor istaagay shir ay yeelan lahaayeen
xubana
ka tirsan dawladda FKMG
Buluugleey,
April 23, 2005
Mr. Kipligat, wakiilka
dowladda Kenya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya
ayaa hor
istaagay kulan ay yeelan lahaayeen qaar ka tirsan xildibaanada
Dawladda FKMG ee ku sugan magaalada Nairobi.
Shirkan oo ka dhacay aqal ku yaal dhismayaasha Sagret ee
magaalada Nayoobi oo ay kireysteen xildhibaanndan ayaa la
sheegay in uu Mr. Kibligat
ku
tilaamayay khilaafka soo kala dhexgalay xubnaha madaxa dawladda
FKMG inay nasiibdarro tahay.
Waxa Mr. Kibligaati uu u sheegay xildhibaanadii shirkaaska u k
asoo qeybgalay in ay isaga qadariyaan oo ay shirkooda dib
u dhigtaan.
Khilaafka ugu weyn ee xubanaha madaxa dawladda FKMG soo kala
dhaxgalay waxaa ugu weyn mudane Sharrif Xasan guddoomihay
balamaanka uu aaminsan in la dhowro dastuurka dwladda FKMG iyo
isagoo ansixiyay mooshin looga soo horjeeday ciidamada safka
hore inay dalka yimaadaan. Aqlabiyadda barlamaanka oo caddeeyay
in madaxbanaanida Soomaalia ay muqaddas tahay.
Fikradaasina waxaa jecleysan madaxweynaha iyo xubno ka tirsan
dawladda FKMG.
Horey ayuu
Guddomiyaha barlamaanka u cadeeyay maqwqifkiisa ku aadan wuxuuna
hoos ka xariiqay
“waxay igu noqotay wax lama filayn ah in 100 mudane ay amar ku
siiyaan in uu 24 saac golaha baarlamaanka isugu yeero”
Sida dastuurka dhigaya waxay xubnaha barlamaanka horkeeni karaan
mooshin, laakin ay xeer dumis ah in gudoomiyaha baarlamaanka loo
qabto 24 saacaddo in uu shir isugu yeero golaha baarlamaanka yuu
yiri nin ka mid ah mudanayaasha barlamaan dawladda KMG.
