Tageerayaasha Col. C/laahi
Yusuf oo ku han weyn inuu Col. Barre Hiiraale uu soo galo
Gacantooda ayaa ogolaaday dhexdhexaadinta looga yaboohay
Kismaayo
Buluugleey, November
28, 2005
Xubnaha garabka Jowhar ee
taageersan siyaasada Col. C/llahi Yusuf ayaa isku raacay in ergo
dhexdhexaadina loo dirsado magaalada Kismaayo. Sidoo kale waxey
soo jeediyeen in Kismaayo kadib in dhexdhexaadinta lagu soo xiro
Jowhar.
Waxaa waayahan soo baxayey
khilaaf xoogan oo ka taagan cidda ka qeybgaleysa shirka Kismaayo
iyo kharashka baxaya sida loo bixinayo. Waxaa kaloo muran xoogan
uu ka taagnaa sidii loo qancin lahaa siyaasiyiin badan oo aan
raali ka ahayn shirka loo aadayo Kismaayo.
Waxaa Kismaayo loo aadayo ma
ahan in la helo dhexdhexaadin laakiin waxey u muuqataa sidii
Barre hiiraale loola gorgortami lahaa si uu u soo raaco
bahweynta u horkacayo Col. C/llahi Yusuf. Barre Hiiraale isaguna
wuxuu daneynayaa lacag uu ku helo shirkaas, laakiin kama
dhaadhacsana inuu taageeero u noqdo ninkii ay dowladii Siyaad
Barre ka dhismi weysey.
Waxaa cid walba ay la yaaban
tahay sida garabka Jowhar ay ugu heelan yihiin safarka dheer oo
ay u aadayaan Kismaayo iyadoo Xamar oo aad ugu dhow ay ka soo
horjeedaan tegideeda. Waxaa arrintaas loo macneyn karaa ineysan
muuqan tanaasul ka soo socda kooxda Jowhar, xalkooduna uu yahay
in xoog lagu kala baxo.
Heshiiska waxaa soo jeediyey
Barre Hiiraale isaga ayeyna u taal tala soo jeedin haddii labada
dhinac ay wada aqbalaan iney Kismaayo ku kulmaan meesha xigta ee
uu doonayo inuu ku dhameystiro wadahadlka, laakiin ma ahan
go’aan ay iska leeyihiin garabka Jowhar iney wakhtiga iyo inta
jeer oo la shirayo ama meesha labaad ee lagu shirayo go’aamiyaan.
Sidoo kale ergooyinka labad garab wadahadalkooda ayaa lagu
go’aamin kara sidii loo dhameyn lahaa arrimaha la xiriira
wadaxajoodka iyo sida loo qorsheynayo qaabka uu u socon doono
shirka.
Qorshaha ay la soo boodayaan
kooxda Jowhar wuxuu tusaaleynayaa kelitalisnimo iyo in shirka
labaad oo ay ku doonayaan iney ku soo gabagabeeyaan Jowhar uu
yahay mid qiyaamo oo ay ku damacsan yihiin iney caalamka ugu
sheegan iney dhamaatay isheysadkii, garabkooduna uu ku adkaaday
gabagabadii dhamaadka shirka. Sidoo kale waxaa laga yaabaa in
kooxaha shirka labaad u soo aada Jowhar lagu xayiro magaladaas
ineysan ka bixin mar dambe, taas oo aysan ka gilgilan Karin
xildhibaanada tabarta yar laakiin aan ku fikirka ahayn garabka
Jowhar.
Waxaa sidoo kale meesha ka
muuqata in raga is khilaafsan aysan kulmeynin, laakiin dadka u
dhexeeya ay u heelan yihiin shirkaas ku dhisan is calool baarka.
Kooxda Muqdisho ayaan marna laga yaabin iney tuulooyinka
Soomaaliya u aadaan shir looga dan leeyahay inaan Xamar marna la
isugu imaan. Sidoo kale Col. C/llahi ayeeysan isna u muuqan
kullan lagu heshiiyo oo Xamar ku soo dhamaada. Marka waxaa iska
cad in koox walba ay joogeyso meesheeda xataa haddii gacmaha la
isgeliyo oo la heshiiyo, taas oo ah sida ay doonayaan iney
maqashiiyaan adduunka. Marka waxaa la isweydiinaya Jowhar iyo
Kismaayo waxa la isugu afgartay in lagu shiro, Xamarna laga
warwareegto. Miraha ka soo dhalanaya shirkaas ma ahan mid Xamar
laga cuni doono ama waxtar u keenaya ummadda Soomaalida, gaar
ahaan dadweynaha degan koofurta Soomaaliya.
hadda ka hor ayaa waxaa shirar
badan lagu qabtay wadanka dibediisa, taasna waxaa ka soo
shaqeeyey kooxihii dagaalkii Xamar looga xoog roonaaday. waxaana
halheys u ahayd waa dhamaaday shir dambe oo Soomaalida loo
qabanayo, beesha caalamkuna waa ka daashey shirarka macno
la'aanta ah, kana waa kii ugu dambeeyey oo ma jiro shir dib
dambe loo qabanayo iyo wax la mida. Sidoo kale waxaa tuulooyinka
loogu shirayo waa in sidaas oo kale la suurtogeliyo in shirar
badan lagu qabtay guddaha Soomaaliya, shir dambena aan la
qabaneyn, inta badana ay heshiisey. Waxaa shirarka dibeda iyo
kuwa gudaha loo maareeyey inaan Xamar la siin miisaanka ay
leedahay. kooxda Jowharna haddii laga yeelo waxey ku joogaan
wadadaas qaloocan.
