Badda Kismaayo ayaa lagu arkay
haamo waaweeyn ee dul heebaabaya
Buluugleey April 17, 2005
Waxaa
daweynaha agagaarka badda ku teedsan magaalada Kismaayo lagu soo
waramayaa inay ka qaxeen markii ay haamo waaweyn oon la aqoon
waxa ku kudahooda ku jira ee dul sabeeynayaa biyaha badda.
Warka wuxuu
intaa ku darayaa in markii ugu horeysay soo arkeen
kalluumeysato ka ag dhawaa aggaas. Haamahaas oo lagu
qiyaastii 17 feet inay badda kor uga kacsan yihiin lagana arki
karo meel meel aad u fog.
Maamulka magaalada Kismaayo ayaa codsaday gurmad deg- deg ah
siddii haamahaas baaritaan cilmiyeysan loogu sameeyn lahaa. Ilaa
hadda wax gurmad ah ee codsigaasi ka soo jawaabay weli lama soo
sheegin.
Horay ayaa deegaano ka tirsan xeebaha dalka Soomaaliya lagu
arkay haamo kuwaas oo kale ah, dadkuna ku abuuray cabsi iyo
argaggax fara badan.
Xeebaha
Soomaaliya oo noqday meel lala soo beegsado haraaga suntan
warshadaha ayaa waxay dhaliyeen xanuuno aan horey looga aqoonin
dalka Soomaaliya. Ilaa hadda wax baritaan ah oo rasmi ah weli
laguma sameeynin.
