|
Dabaaldega
Maalinta Weyn ee Kowda Luuliyo
Buluugleey Jun 21,2005
Dadweynaha
Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxay u diyaar garoobayaan
xuska 1-da Luuliyo oo ah maalin taariikh qiimo badan u leh
ummadda Soomaaliyeed. Munaasibadaas waxaa lagu xasuusta
xoriyadii Koonfurta Soomaaliya, la midowgii Waqooyiga, iyo
dhalashadii Jamhuuriyada Soomaalida markii uu sannadku ahaa
1960.
Maalintaas
qiimaha badan waxey dadka Soomaaliyeed xasuusineysaa abayaashii
Soomaaliyeed oo dhiigooda iyo naftooda u huray iney dhisaan dal
Soomaaliyeed oo madaxbanaan, kaas oo dadkiisa ugu adeega si
gobonimo leh.
Aabayaashii u
soo halgamay dhismaha iyo jiritaanka Qaranimada Soomaaliyeed
waxey dagaal siyaasadeed oo ka culus kii gumeystaha reer Yurub
ay gaashaanka ugu dhigeen Cadowga Xabashida. Waxaa Xusid mudan
in maalintaas ay ku noqotay Xabashida xidig ku soo baxday oo ay
dabooliweysey.
Maalintaas
waxey Soomaalida u horseeday aqoonsiga jiritaanka dadkeeda iyo
dalkeeda. Waxey kaloo Soomaalida dhexgelisey aduunweynaha
intiisa kale oo qadarin iyo sharaf ku aqoonsaday. Dhalashada
Jamhuuriyada Soomaaliya waxey ku soo ifbixisay aduunkana u soo
bandhigtay dhulalka ka maqan. Soomaalida waxay adeegsatay
siyaasad iyo aqoon ku saleysan midnimada Soomaaliyeed, sidaasna
waxay ugu dagaalantay aaya katalinta umadda Soomaaliyeed ee
cadawga gumeysto. Siyaasadii geesinimada ku dhisneyd ee looga
soo horjeedey cadowga Xabashida iyo Fransiiska waxey marar badan
halis gelisey qaranimadii curdanka ahayd ee Soomaalida, waxaana
ka soo gaaray dhibaatooyin soo jiitamayey oo sababay dagaalo
sokeeye iyo burbur ku yimid dowladnimadii dhiiga badan loogu
daadiyey in loo dhiso dadka Soomaaliyeed.
Inkasta oo
maanta uu weli jiro calanka Soomaaliyeed, haddana waxaa dalka
fursad u helay Cadowgii soo jireenka ahaa ee weligeed Soomaalidu
lahayd kaas oo ah Itoobiya. Xabashida marna kama daalin in ay u
adeegsato dumista qaranimada Soomaaliyeed madax maqaar saar ah
oo ay u sameeysay Soomaalida, kuwaas oo uu ku ciribtirayo
jiritaanka xidigtii Kowda Luuliyo.

|