Kulan
lagu xallinayo khilaafka u dhaxeeya labada gole ee kala jooga
Muqdisho iyo Jowhar
Buluugleey July 7,
2005
Dadaal
ballaaran ee lagu dhameynayo khilaafka u dhaxeeya
masu’uuliyiinta labada gole ee ka tirsan dowlada KMG ayaa maanta
ka bilowday magaala madaxda Muqdisho.
Guddi ka
socda labada dhinac ee ka tirsan dowlada KMG ayaa shirkaas ku
falanqeeyay arrimo la xariiro waxyaabaha keenay inay labada
garab ee dowlada KMG ku kala guuraan iyo sidii loogu heli lahaa
xal waara. Shirkaas ayaa in mudo saacodo ah ka socday
qolka shirarka ee hotel Ramadan wuxuu ku bilowday jawi wanaagsan.
Kulankaas oo
ay ka soo qeybgaleen 10 xibnood ayaa horey loogu xilsaaray
dhameynta khilaafka u dhaxeeya labada garab ee dowlada KMG ee ku
kala duwan xagga fikirka kalana jooga Muqdisho iyo Jowhar.
Xubnahaas ka wada dhex-dhexaadinta ayaa la rajeynayaa inay soo
afjaraan khilaafka raagay ee kala geeyay xubnaha dowlada ee
loogana cabsi qabo in ay dowladu bur-burto.
Kulankaas
ayaa ku soo beegmay xilli uu Col.Cabdullahi Yusuf la
filayo in uu socdaal dhulka ah ugu soo amba boxo magaalada
Jowhar isagoo ay wehliyaan ciidan ka soo raacay gobolka waqooyi
bari.
