Labda
Garab ee dowlada KMG eek u kala sugan Muqdisho iyo Jowhar oo
qarka u saran inay ku dagaalamaan deeq lacageed ee Midowga Yurub
ugu yaboohay Somaliya
Buluugleey
November 20, 2005
10 mililyan
ee Midowga Yurub ugu deeqday Soomaaliya oo loogu talagalay in
maamul loogu sameeyo gobollada dalka ayaa waxay keentay in
labada dhinac ee siyaasada Soomaaliya isku heysta ayaa xal u
arkaan inay lacagtaasi isku afgartaan intii loo wareejin lahaa
hey’adaha samafalka caalamiga ee ka hawlgala Soomaaliya.
Go’aanka ka
soo baxay kooxda Muqdisho oo ah inay shuruud la’aan uga
go’antahay in si toos ah ula kulmaan kooxda Jowhar ku sugan.
Hadalkaas ka soo yeeray kooxda Muqdisho ayaa ah mid aan horey
looga baran, lagana sugeyn, waxayna dad badan isn weydiinayo
sababta soo dedejisay tanaasulkooda. Balse, kooxda Muqdisho ayaa
hadalkooda waxay ku dareen in ay agabkooda dagaal u soo
qaadanayaan diyaarna u yihiin inay yimaadaan Jowhar.
Hadii ay
dhacdo in labada kooxood is hor fariistaan oo ay isku afgaran
waayaan qeybsiga lagacahaa deeqda ah oo ay deeq bixiyiyaashu
shardi uga dhigeen dhameynta khilaafaadka labada kooxood
dhexyaala, waxaa la saadaalinayaa in labada kooxood ka
dhaxdhicidootno dagaal ka qarxa Jowhar oo keeni kara
burbur xooggan.taas oo salka ku haysa danta Itoobiya oo in badan
ka shaqeyneysay sidii labadaas kooxdood dagaal uga dhex qarxi
lahaa.
Shicibka
Soomaaliyeed ee nabada jecel ayaa waxay xal u arkaan in
deeq-bixiyiyaashu aysan lacagaha deeqdaa sabab u noqon colaad
hor leh ee ka hurta Jowhar. Sidaas daraadeed, ayey ku haboon
tahay in wixii deeq ah ay maamulaan hey’adaha samafalka ee ka
jira Soomaaliya inta laga helayo dowlad Soomaaliyeed ee
maamulkeeda la is ku raacsanyahay.
