Lacag
Beenabuura oo lagu cuuryaminayo ganacsiga Muqdisho
Buluugleey December 10, 2005
Garabka Jowhar ayaa xeelad ahaan waxey soo maleegeen siyaasad
dhaqaale-dumis ah oo ay ku xidido siibayaan hantileyaasha
taageersan siyaasiyiinta garabka Muqdisho.
Lacag Shillin Soomaaliya oo beenabuura ayaa waxaa gacanta ku
dhigay dowlada Imaaraadka, waxaana loo badinayaa in qeyb ka mida
lacagtaas ay u gudubtey Soomaaliya. Ujeedada loo soo beenabuuray
lacagtaas ayaa ah qorshe lagu damacsan yahay in lagu curyaamiyo
dhaqalaha xoogan ee ka jira magaalda Muqdisho.
Lacagta nuucaas ah waxay qeyb ka ahayd lacago fara badan oo
qandaraas ay ku siiyeen siyaasiyiinta gobolka Bari ganacsato
gobolkaas u dhashay, kuwaas oo horay lacagtaas qaar ka mid ah si
tuuganimo ah ku soo geliyey gobolka Bari. Waxaa la xaqiijiyey in
lacagtaas qeyb ahaan ay soo gaartey magaalada Jowhar oo saldhig
u ah Col. Cabdullahi Yusuf. Qorshaha ayaa ahaa in lacagtaas si
toosa loo geliyo Muqdisho, oo ah xarunta uu ganacsiga ugu weyn
ka socdo.
Waxaa loo maleynayaa in lacagtaas beenabuurka ah lala sugayo
heshiiska lagu qabanayo Kismaayo iyo lacago deeqa oo laga sugayo
dibeda. Heshiiska Kismaayo ayaa loo arkaa in lagu dejinayo
dareenka kacsan ee hogaamiyayaasha Muqdishu, si taas ay u siiso
garabka Jowhar fursad ay ku socodsiiyaan lacagtaas. Waxaa
arrintaas barbar socota qorshe kale oo isna loo maleynayo in
lagu hirgeliyo lacagtaas been abuurka ah, kaas oo ah in lacagta
adag ee deeq ahaan u soo xarooneysa lagu shubo bangiyada dibeda
xisaabaadka uga furan ganacsatada lacagtaas soo beenabuurtay,
sarif ahaana bedelkeeda lacagtaas beenabuurkaa mushaar ahaan in
loo bixiyo, taas oo loo qeybinayo labada garab.
Arrinta dambe ayaa waxaa dood balaaran ka keenay xaafiiska UNDP
in lacagaha deeqda ah ee loogu tala galay in mushaar ahaan loo
siiyo xubnaha dowlada waa iyaga soo marto, tuhunka badan oo jira
awgiis ayaa sababay iney hakato bixinta lacagtaas.
Deeqbixiyeyaasha Caalamka ayaa mar hore isku afgartay inaan
lacag gacanta loo gelin garabyada kala jooga Jowhar iyo
Muqdisho, waxeyna doorbideen in wixii deeqa ah loo soo marsiiyo
xafiiska UNka ee u qaabilsan horumarinta.
Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxaa ku xiriirsan suuqyada
ganacsiga ee magaalooyinka gobollada koofureed oo idil, kuwaas
oo dhaqaalahoodu ku jaan go'an yihiin ganacsiga Muqdisho.
Waxayna habsami u socodka ganacsiga ku xiran yahay suuqa xorta
ah ee halkaasi ka jira. Waxaa kaloo iyadana wehlisa in sarifka
lacagaha qalaad uu yahay sheyga keliya ee koontaroola
isbeddelka ganacsiga dalka oo dhan, kaas oo ku dheelitiran
maaliyada gaarkaa ee hantileyaasha iyo dadweynaha lacagta adag
dibeda looga soo diro.
Waxa keliya ee
Muqdisho ay ka sameysay horumar xoogan waa ganacsiga furan ee
xorta ah, kaas oo suurtageliyey in Soomaaliya ay noqoto ummad
jirta iyada oo in ka badan14 sanno aysan ka jirin wax dowlada oo
la aqoonsan yahay.
Waxaa la ogsoon yahay in lacag beena oo aan ka diwaan gashaneyn
Bangiga Adduunka aysan lahayn wax qiima oo u dhigma wax ku
bedelashadeeda. Waxa keliya oo ay lacagtaas ku fadhidaa waa
qarashka ku baxay dabacaadeeda. Lacagtaas aan lahayn qiimaha
waxey dhaqaalaha iskiis u dhismay ee ka jira Soomaaliya oo aysan
jirin dowlad xakameysa sicir bararkeeda u keeni kartaa burbur
hantiyeed oo ku yimaada ganacsatada iyo nolol xumo la soo
gudboonaata dan yarta dibeda laga soo masruufo.
Lacagtaan been abuurka ah ee lagu
soo daabacay dibeda ayaa ah xeelada ugu foosha xumeyd ee loo
adeegsado majaxaabinta horumarka dhaqaale oo ay gaareen
ganacsatada Muqdisho iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee
ganacsigoodu ku xiran yahay Muqdisho.
Dhibaatada lacagtaas waxay qeyb ka tahay siyaasada Itoobiya ay
kula dagaalamayso jiritaanka dadweynaha deggan Xamar iyada oo u
adeegsaneyso garabka Jowhar.
Lacagtaan been abuurka ah hadii aysan ka gaashaaman dadweynaha
Soomaaliyeed ee degan Xamar waxay halis u tahay jiritaanka
dhaqaale ee ka jira koonfurta Sooamaaliya.
