Odayaal
dhaqameed, aqoonyahano iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Bay
iyo Bakool ayaa ku tilmaamay hab cadaalo darro ah nidaamka uu
Col. Cabdullahi Yusuf ku doonayo inuu dib u habeyn ugu sameeyo
gobollada dalka Soomaaliya
Buluugleey
December 17, 2005
Odayaasha dhaqanka iyo aqoonyahano iyo weliba siyaasiyiin ka
jeeda gobolka Bay iyo Bakool ayaa ka soo horjeestey siyaasada
qaldan ee uu Col. Cabdullaahi Yusuf ku doonayo nidaamka cadaalad
ku dhisnaa maamulka gobolada. Siyaasadaan cusub oo uu Col.
Cabdullahi Yusuf ku doonayo inuu ka hirgeliyo goballada dalka
ayaa ah mid lagu damacsan yahay in la isku raaciyo gobollo aan
horey degaan wadaag u ahayn. Nidaamkaan oo loogu yeero (Joint
Network Assessment) oo ujeedada ka danbeyso ay tahay in awooda
gacanta loo geliyo dad ka amarqaato siyaasiyiinta ka soo jeeda
Bari ee Col. Cabdullaahi la heyb wadaaga iyo inuu gobolada
koofureed marka laga reebo Bari uu u googooyo degaano qabiil oo
horumarintooda iyo maamul u sameyntooda uu ku xiro dhuuni uu soo
laalaadiyo.
Nidaamkaan gobollda dalka dib loogu habeynayo ayaan ahayn mid
sal quman ku taagan, kana fog dib-u-dhisida gobollada dalka laga
wada simayo. Xeeladan ayaa ah mid ujeedada ka danbeeysa ay tahay
in laga wareejiyo dadka u taliya degaanka ee aan raacsaneyn
siyaasada Col. C/llahi Yusuf.
Maamulada laga damacsan yahay in laga hirgeliyo gobolada dalka
ayaa u muuqda inqilaab lagu doonayo in lagu abuuro maamulo
maqaar-saar ah oo ku shaqeeya dhaqaalaha gaarka ee gacanta ugu
jira Col. C/llahi Yusuf. Haddii ay hirgasho ujeedadaas waxaa
muuqata in gobolo badan ay milkiyad wareegayaan sida gobolada
Bay iyo Bakool.
Waxaa kaloo jirta
in gobollada ay ka midka yihiin Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe oo
ah tan ugu muhiimsan siyaasada Col. Cabdullahi Yusuf uu ku
doonaya inuu hogganka gobolladaas gacanta ku dhigo ayna
milkiyoodu ku wareegto beesha guud oo ay bahwadaagta yihiin. Waxaa
sidoo kale aan meesha ka marneyn gobolka dhexe oo aan laga
daneyneyn maamulka iyo siyaasada Col. Cabdullahi Yusuf , inuu ku
doonayo sidii uu hogaano cusub ugu abuuri lahaa.
Dabinka maldahan ee uu Col. Cabdullahi ku doonayo in uu ku
hantiyo maaliyada loogu tala galay dhismaha gobolada dalka ayaa
ah mid u daneynaya jeebka ganacsatada reer Bari ee isga u
sarifta lacagaha deeqda ah.
Siyaasada qaldan ee uu Col. C/llahi ku doonayo in gobolada dalka
uu dib maamul ugu magacaabo ayaa ah mid ka hor imaaneysa
nidaamka u degsan dastuurka dalka oo aheed inuu ku shaqeeyo
ogolaanshaha goloha baarlamaanka. Weliba taa waxaa la xiriirta
in uusan jirin wax aqoonsi ah ee ah ansaxida aqlabiyada dadweynuhu
oo ay ku taageerayaan fikradaas ku aadan maamul u sameynta
gobolada.
Waxaa sii xoogeysanaya mucaaradka xoogan Dowalada ee Col.
Cabdullahi Yusuf ka heysta magaalada Muqdisho. Arrimahan
dhoorka ah ee soo foodsaartay siyaasada Col. Cabdullahi ayaa ugu
wacan in xilligaan uu u keeno fikrada ah waxa uu ugu yeeray
dib u habeynta gobolada dalka iyo dhibudhiska gobolada.
Siyaasiyiinta qaarkood ayaa u arka in arrintani qeyb ahaan uu
korneylku ku doonayo inuu kaga hortago maamul u sameynta looga
dhawaaqay gobolka Banaadir iyo mucaaradka dowlada Cabdullahi
Yusuf ka soo horjeeda oo ku sii xoogeysanaya dhamaan gobolada
dalka.
Garabka Jowhar is
muujinta ay u sameynayaan beesha caalamka waa midan waxba ka
soconeyn, waayo dowlad aan lahayn maamul dhexe iney ku hamiso
maamul u sameynta gobolada dalka waa howl gacmo daalis ah,
ujeedadeeduna tahay in xisaab celin beena lagu sameeyo lacagaha
gargaarka ah ee umada Soomaaliyeed loogu deeqay.
