Maxamed Dheere oo lagu sii jeedinayo Jagada la dagaalanka argagixisada

Buluugleey, Saturday, October 08, 2005

Dagaaloogaha keligiis ka taliya maamulka gobolka Sh/Dhexe Md. Maxamed Cumar Xabeeb, Maxamed Dheere, ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Addis Sababa ee dalka Ethiopia saraakiil ka tirsan sirdoonka Mareykanka, kulankaas oo ay soo diyaarisay dowlada Itoobiya.

Dowlada Itoobiya ay dadaal xoogan ugu jirtey iney ku sameyso laba kacleyn siyaasadeeddi ku aadaneyd la dagaalanka argagixisada Soomaaliya, si arrimahaas ay marqaati ugu heshana waxey soo diyaarisay qoraalo ay gacanta u gelisey Maxamed Dheere, Cabdirisaaq Jurillana ay uga dhigtay goobjoog, kuwaas oo ku saabsanaa ka hortaga argagixisada ay mala’awaaleen iney ka jirto Soomaaliya.

Warqada qoraalkeeda loo gudbiyey mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa waxaa ku qornaa liis dad Soomaaliyeed oo garabka Jowhar ay ku tilmaameen iney yihiin argagixiso hubeysan oo ah muslimiin mitida, waxaa sidoo kale qoraalkaas ay ku sheegeen nimanka dhiibey waraaqaha in Soomaaliya ay ku soo kordhayaan waxay ugu yeereen kooxaha argagixisada ah, kuwaas oo ay sheegeen in ay doonayaan in ay ka sameyaan dowlad Islaama dalka Soomaaliya.

Itoobiya ayaa waxey aad u daneyneysaa iney Mareykanka ka hesho Hubka farsamada casriga iyo hanti aad u fara badan, waxeyna taas ku xoojineysaa in labada dal ay dhexmarto iskaashi xaga la dagaalanka argagixisada, taasoo qorshahu uu yahay in geeska Afrika oo Soomaaliya ay ku taallo looga qaato Mareykanka mashruuc ay ku baxeyso lacag badan si loogu  tir tiro mucaaradka ka jira Soomaaliya, kana soo horjeeda danaha cadowga Itoobiya iyo gaar ahaan siyaasiyiinta beelaha dega koofurta Soomaaliya oo dadkoodu ku badan yahay Xamar, kuwaas oo sida xoogan uga soo horjeeda in Itoobiya ay Soomaalida u dhisto dowlad ay ku adeegato. Mareykanka ayaa mashruucaas waxaa looga gadaya la dagaalanka  iyo tirtirida waxa ay ugu yeeraan dhaqdhaqaayada islaamiga ee ka jira Soomaaliya laguna eedeeyo inay gacan saar la leeyihiin ururka Al-Qaacida.

Dowlada dalka Itoobiya ayaa waxey caado ka dhigatay iney dalka Mareykanka ku cabsi geliso argagixisada ay ku sheegto iney ka jirto Soomaliya. Iyadoo buunbuunisa in cabsi weyn laga qabo in kooxo argagixisaa oo neceb dadka iyo dalka Mareykanka ay ku sugan yihiin Soomaaliya, kuwaas oo  fulin kara falal khatara, loona baahan yahay sidii loola socon lahaa dhaqdhaqaaqooda iyo ugu dambeystii sidii looga  tirtiri lahaa Soomaaliya.

Maxamed Dheere ayaa loogu heshiiyey Jowhar inuu qoraalkaas gacanta u geliyo sarakiisha Mareykanka ee ku sugan safaarada Mareykanka ay ku leeyahay Addis Sababa, waxaana arrintaas dabagal loo raaciyey Cabdirisaaq Jurille. Waxeyna Itoobiya iyo Jurille isla garteen in Maxamed Dheere howsha argagixisada loo xilsaaro, isaguna uu noqdo kan ku soo ooga argagixisonimada dadka ay isku heybta yihiin ee ka soo jeeda Muqdishu, si taas ay meesha uga saarto in siyaasad qabiil oo ku dhisan aargoosi la adeegsanayo, Mareykankana ay macquul ula noqoto in ninkaan dadka lagu tuhunsan yahay argagixisada oo uu wado liiska ay ku qoran yihiin ay yihiin  xigto.

Maxamed Dheere liiska loo soo dhiibey oo uu gudbiyey ayaa u muuqata iney tahay qiyaamo laga soo shaqeeyey. Inta badan dadka la doonayo in lala xiriiriyo argagixisada ayaa ah kuwo ka soo jeeda gobolada dhexe iyo kuwa koofureed oo ay isku heybta yihiin Maxamed Dheere. Kuma jiraan liiska dad ka soo jeeda waqooyiga ama gobolka Bari ama meelaha ay ka arrimiyaan hogaamiye kooxeedyada ay ku adeegato Itoobiya. Xeeladaas ayaa u muuqata shax ay siyaasiyiinta garabka Jowhar ku qoolayaan iney isku adeegsadaan dad is xiga si ay iyagu ugu muuqdaan iney ka eed la’ yihiin waxyeelada ka dhalata qorshahaas ay maleegeen. Waxaana u cad siyaasiyiintaas ka soo jeeda Bari ee degan Jowhar in nin u tafaxeytey in xigtadiisa la xasuuqo, aysan u muuqan karin waxyeelada soo gaari karta naftiisa iyo tan dadkiisa, indhosarcaadna ay ku heyso  u muuqashada hantida uu helayo oo keliya, waxaana sidaas  hubaal ugu noqotay iney ka hoos baxeyso shaxda loo degayo.

Hadda ka hor ayaa sidaan oo kale wuxuu Col. Cabdullahi Yusuf  ku sameeyey Xusseen Caydiid.  Waxaana Xusseen loo adeegsadey inuu dhiibo liiska hantileyaasha ka soo jeeda beelaha degan muqdisho oo dibeda ku leh shirkadaha iyo ganacsiga, kuwaas oo lagu tuhunsanaa iney gacan dhaqaale ka geysan jireen kacdoonadii ka jirey koofurta Soomaaliya iyo maamuladii ka dambeeya oo ka jirey Muqdisho, gaar ahaan dowladii lagu soo dhisay Tuulada Carta. Dadka lagu daray liiskaas ayaa waxaa lagu suntay iney lacagaha u xawilaan kooxo Islaama oo ah argagixiso. Arrintaas waxaa marag u ahayd xiritaankii shirkadii xawaalada ee Albarakaat iyo dhibaatooyin loo geystey shaqsiyaad Soomaaliyeed oo ku nool dalka dibediisa. Itoobiya iyo Col. Cabdullahi ayey u suurto gelisey mucaaradnimadii xooganeyd oo Xussen uu u hayey qolooyinka Carta iney ka faa'ideystaan, sidaasna waxey si fudud ugu sahashey iney ku guuleysteen in Xusseen uu gacantooda soo geliyo dukumentiyadii aabbihiis uu ka geeriyooday oo ay ku cadeyd dadkii halgankiisa ku gacan siinayey si ay dalka Mareykanka xogtaas uga iibiyaan, qiilna ugu helaan liiska argagixisada ay Soomaaliya uga gudbiyeen Mareykanka.

Maxamed Dheere ayaa u muuqda nin indhihiisu ay u muuqdaan hanti, waxaana cad in loo helay tab lagu mashquuliyo. Waxey garabka Jowhar oo ay u badan yihiin siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Bari ay ku guuleysteen in xooga Maxamed Dheere loo jeediyo la dagaalanka dadka ay isku heybta yihiin oo mucaaradnimada kala soo jeeda Muqdisho. Taas waxey dhinac faa’iido u keeneysaa Maxamed inuu dhaqaale ka helo mashruuca la dagaalanka argagixiso aan jirin. Dhanka kalana Col. Cabdullahi  waxey u noqoneysaa furasad ay ku helayaan madaxbanaani buuxda oo ay isaga fogeeyaan inuu siyaasadooda Maxamed Dheere ku soo dhex milmo.  


 HOME