Maxamed Dheere oo lagu sii jeedinayo Jagada la
dagaalanka argagixisada
Buluugleey, Saturday, October 08, 2005
Dagaaloogaha keligiis ka taliya maamulka gobolka
Sh/Dhexe Md. Maxamed Cumar Xabeeb, Maxamed Dheere, ayaa kulan
kula yeeshay Magaalada Addis Sababa ee dalka Ethiopia saraakiil
ka tirsan sirdoonka Mareykanka, kulankaas oo ay soo diyaarisay
dowlada Itoobiya.
Dowlada Itoobiya ay dadaal xoogan ugu jirtey iney
ku sameyso laba kacleyn siyaasadeeddi ku aadaneyd la dagaalanka
argagixisada Soomaaliya, si arrimahaas ay marqaati ugu heshana
waxey soo diyaarisay qoraalo ay gacanta u gelisey Maxamed Dheere,
Cabdirisaaq Jurillana ay uga dhigtay goobjoog, kuwaas oo ku
saabsanaa ka hortaga argagixisada ay mala’awaaleen iney ka jirto
Soomaaliya.
Warqada qoraalkeeda loo gudbiyey mas’uuliyiinta
Mareykanka ayaa waxaa ku qornaa liis dad Soomaaliyeed oo garabka
Jowhar ay ku tilmaameen iney yihiin argagixiso hubeysan oo ah
muslimiin mitida, waxaa sidoo kale qoraalkaas ay ku sheegeen
nimanka dhiibey waraaqaha in Soomaaliya ay ku soo kordhayaan
waxay ugu yeereen kooxaha argagixisada ah, kuwaas oo ay sheegeen
in ay doonayaan in ay ka sameyaan dowlad Islaama dalka
Soomaaliya.
Itoobiya ayaa waxey aad u daneyneysaa iney
Mareykanka ka hesho Hubka farsamada casriga iyo hanti aad u fara
badan, waxeyna taas ku xoojineysaa in labada dal ay dhexmarto
iskaashi xaga la dagaalanka argagixisada, taasoo qorshahu uu
yahay in geeska Afrika oo Soomaaliya ay ku taallo looga qaato
Mareykanka mashruuc ay ku baxeyso lacag badan si loogu tir tiro
mucaaradka ka jira Soomaaliya, kana soo horjeeda danaha cadowga
Itoobiya iyo gaar ahaan siyaasiyiinta beelaha dega koofurta
Soomaaliya oo dadkoodu ku badan yahay Xamar, kuwaas oo sida
xoogan uga soo horjeeda in Itoobiya ay Soomaalida u dhisto
dowlad ay ku adeegato. Mareykanka ayaa mashruucaas waxaa looga
gadaya la dagaalanka iyo tirtirida waxa ay ugu yeeraan
dhaqdhaqaayada islaamiga ee ka jira Soomaaliya laguna eedeeyo
inay gacan saar la leeyihiin ururka Al-Qaacida.
Dowlada dalka Itoobiya ayaa waxey caado ka
dhigatay iney dalka Mareykanka ku cabsi geliso argagixisada ay
ku sheegto iney ka jirto Soomaliya. Iyadoo buunbuunisa in cabsi
weyn laga qabo in kooxo argagixisaa oo neceb dadka iyo dalka
Mareykanka ay ku sugan yihiin Soomaaliya, kuwaas oo fulin kara
falal khatara, loona baahan yahay sidii loola socon lahaa
dhaqdhaqaaqooda iyo ugu dambeystii sidii looga tirtiri lahaa
Soomaaliya.
Maxamed Dheere ayaa loogu heshiiyey Jowhar inuu
qoraalkaas gacanta u geliyo sarakiisha Mareykanka ee ku sugan
safaarada Mareykanka ay ku leeyahay Addis Sababa, waxaana
arrintaas dabagal loo raaciyey Cabdirisaaq Jurille. Waxeyna
Itoobiya iyo Jurille isla garteen in Maxamed Dheere howsha
argagixisada loo xilsaaro, isaguna uu noqdo kan ku soo ooga
argagixisonimada dadka ay isku heybta yihiin ee ka soo jeeda
Muqdishu, si taas ay meesha uga saarto in siyaasad qabiil oo ku
dhisan aargoosi la adeegsanayo, Mareykankana ay macquul ula
noqoto in ninkaan dadka lagu tuhunsan yahay argagixisada oo uu
wado liiska ay ku qoran yihiin ay yihiin xigto.
Maxamed Dheere liiska loo soo dhiibey oo uu
gudbiyey ayaa u muuqata iney tahay qiyaamo laga soo shaqeeyey.
Inta badan dadka la doonayo in lala xiriiriyo argagixisada ayaa
ah kuwo ka soo jeeda gobolada dhexe iyo kuwa koofureed oo ay
isku heybta yihiin Maxamed Dheere. Kuma jiraan liiska dad ka soo
jeeda waqooyiga ama gobolka Bari ama meelaha ay ka arrimiyaan
hogaamiye kooxeedyada ay ku adeegato Itoobiya. Xeeladaas ayaa u
muuqata shax ay siyaasiyiinta garabka Jowhar ku qoolayaan iney
isku adeegsadaan dad is xiga si ay iyagu ugu muuqdaan iney ka
eed la’ yihiin waxyeelada ka dhalata qorshahaas ay maleegeen.
Waxaana u cad siyaasiyiintaas ka soo jeeda Bari ee degan Jowhar
in nin u tafaxeytey in xigtadiisa la xasuuqo, aysan u muuqan
karin waxyeelada soo gaari karta naftiisa iyo tan dadkiisa,
indhosarcaadna ay ku heyso u muuqashada hantida uu helayo oo
keliya, waxaana sidaas hubaal ugu noqotay iney ka hoos baxeyso
shaxda loo degayo.
Hadda ka hor ayaa sidaan oo kale wuxuu Col.
Cabdullahi Yusuf ku sameeyey Xusseen Caydiid. Waxaana
Xusseen loo adeegsadey inuu dhiibo liiska hantileyaasha ka soo
jeeda beelaha degan muqdisho oo dibeda ku leh shirkadaha iyo
ganacsiga, kuwaas oo lagu tuhunsanaa iney gacan dhaqaale ka
geysan jireen kacdoonadii ka jirey koofurta Soomaaliya iyo
maamuladii ka dambeeya oo ka jirey Muqdisho, gaar ahaan dowladii
lagu soo dhisay Tuulada Carta. Dadka lagu daray liiskaas ayaa
waxaa lagu suntay iney lacagaha u xawilaan kooxo Islaama oo ah
argagixiso. Arrintaas waxaa marag u ahayd xiritaankii shirkadii
xawaalada ee Albarakaat iyo dhibaatooyin loo geystey shaqsiyaad
Soomaaliyeed oo ku nool dalka dibediisa. Itoobiya iyo Col.
Cabdullahi ayey u suurto gelisey mucaaradnimadii xooganeyd oo
Xussen uu u hayey qolooyinka Carta iney ka faa'ideystaan,
sidaasna waxey si fudud ugu sahashey iney ku guuleysteen in
Xusseen uu gacantooda soo geliyo dukumentiyadii aabbihiis uu ka
geeriyooday oo ay ku cadeyd dadkii halgankiisa ku gacan siinayey
si ay dalka Mareykanka xogtaas uga iibiyaan, qiilna ugu helaan
liiska argagixisada ay Soomaaliya uga gudbiyeen Mareykanka.
Maxamed Dheere ayaa u muuqda nin indhihiisu ay u
muuqdaan hanti, waxaana cad in loo helay tab lagu mashquuliyo.
Waxey garabka Jowhar oo ay u badan yihiin siyaasiyiin ka soo
jeeda gobolka Bari ay ku guuleysteen in xooga Maxamed Dheere loo
jeediyo la dagaalanka dadka ay isku heybta yihiin oo
mucaaradnimada kala soo jeeda Muqdisho. Taas waxey dhinac
faa’iido u keeneysaa Maxamed inuu dhaqaale ka helo mashruuca la
dagaalanka argagixiso aan jirin. Dhanka kalana Col. Cabdullahi
waxey u noqoneysaa furasad ay ku helayaan madaxbanaani buuxda oo
ay isaga fogeeyaan inuu siyaasadooda Maxamed Dheere ku soo dhex
milmo.
