Shariif Xasan iyo Col. Cabdullahi
oo Dalka Dibediisa Isugu Muruqyo Xeydanaya
Buluugleey,
Saturday, September 03, 2005
Shariifka ayaa la
filayaa inuu Isniinta soo gaaro dalka Mareykanka isagoo dowladda
Mareykanka aan ka heli doonin wax soo dhaweynaa. Shariifka
ujeedadiisa ugu weyn ee uu u imaanayo Mareykanaka ayaa lagu
sheegay iney tahay inuu u yimaado reerkiisa oo ku nool
Minnesota. Dalka Mareykanku uma hayo wax sharafa dalka
Soomaaliya iyo kuwa hogaanka u haya oo dibjir iyo dembiileyaal u
badan.
Col. Cabdullahi ayaa
isna xusuldoob ugu jira sidii uu ku imaan lahaa dalka Mareykanka
ilaa iyo haddana ma cadda isna ujeedada uu ku soo geli doono
cariga Mareykanka. Waxaa la saadaalinayaa in Madaxweynaha Yemen
Cali Cabdalla Salax uu si gaara uga codsan doono madaxweynaha
Mareykanka George Bush inuu u ogolaado Col. Cabdullahi Yusuf dal
ku galka Mareykanka oo horay loogu diidey kadib markii ay
Itoobiya u ololeysay arrintaas. Xiriirka Yemen iyo Mareykanka
ayaa soo wanaagsanaanayey sanooyinkii dambe iyagoo iskaashi
fiican ka yeeshay arrimah quseeya la dagaalanka argagixisada.
Siyaasada Mareykanka ayaa waxaa u caado ah in dalalka aysan la
lahayn xiriir dhow ay u sii marto dal sadexaad oo ay saaxiib la
tahay. Mareykanku hadda ka hor arrimaha Soomaaliya waxa uu u soo
mari jirey: Masar, Sacuudiga, Itoobiya, Ugaanda. Hadda waxaa ku
soo biiray kooxdaas dalka Yemen oo xiriirka uu la leeyahay
Mareykanka uu soo xoogeysanayo. Ma cadda in dowladda mareykanka
ay ka dabceyso mowqifkeeda ku aadan Soomaaliya oo gebi ahaanba
hadda ka xiran in laga hadlo.
Shariifka iyo
Korneylka midna guul kama gaarin xal u helida dowlad la’aanta ka
jirta guddaha Soomaaliya. Labaduba hadda waxey xooga saareen
iney isugu xoog sheegtaan wadanka dibediisa oo midba midka kale
uu u muujinayo taageerada uu ka heysto qaxootiga Soomaaliyeed ee
ku dhaqan dibeda. Waxaa dibeda ka socda abaabulo lagu kala
taageerayo labadaas nin oo ku guuldareystay siyaasadii gudaha.
Waxaana kuu muuqanaya naceybku inuu ka horeeyo ismaandhaafka
fikradeed. Dadka soo dhaweynaya labadaas nin qofna kuma
qanacsana in fikradahoodu ay xal yihiin, laakiin waxaa loo soo
dhaweynayaa in shaqsiyaadka wax soo dhaweynaya ay naceybka ay u
hayaan shaqsiga kale ay ku muujiyaan dareen soo dhaweyn oo ay u
hayaan kan ka soo horjeeda.
Waxaan shaki lahayn
marka ragaas ay dhameystaan dabaaldegyada dibeda looga
abaabulayo iney ku soo noqonayaan Muqdisho iyo Jowhar. Shariifka
wuxuu u ololeynayaa in Muqdisho dibeda looga aqoonsado iney
noqoto xaruunta Baarlamaanka sida Itoobiya ay ugu ololeyneyso in
Jowhar loo aqoonsado iney noqoto xaruunta ku meel gaarkaa ee
dowlada Col. Cabdullahi Yusuf. Waxay dad badan ogsoon yihiin in
aqoonsi iyo kalsooni loohayo baarlamaan iyo dowladba ay ka
timaado oo keliya dadka dalka u dhashay oo ay mariin habaabin
tahay ogolaanshaha laga doonayo dalalka dibeda. Wax kasta oo ay
shisheeye ku dhawaaqaan kama ay soconayaan Soomaaliya ama ha
magacabaan xaruun ku meelgaara ama caasimad cusub ama xeerar
cusub oo hor leh.
Waxay dad badan
saadaaliyeen in sannadka cusub ay burbureyso waxyaabihii Kenya
lagu soo dhisay, cabsida ugu weyna waxaa laga qabaa iney ka
imaaneyso dagaaloogayaasha jooga Muqdishu oo ku dhawaaqa iney ka
baxeen dowladii ay soo dhistay Igad, taas oo noqoneysa dhamaadka
siyaasada Col. Cabdullahi Yusuf. Waxaa marar badan lagula
taliyey Col. Cabdullahi inuu diblomaasiyad adeegsado oo uu
tanaasul ku soo gacan gashado dagaaloogayaasha Muqdishu inta
uusan ka dhamaan dulqaadka iyo dadaalka ay iskood ugu hayaan
nabadeynta iyo dhismo dowladeed oo loo wada dhan yahay.