Wasiirka
Ganacsiga Soomaaliya Muuse Suudi ayaa dadka Muqdisho degan ugu
baaqay in dowlada Talyaaniga ku banaanbaxaan
Buluugleey
August 11, 2005
Wasiirka
Ganacsiga Soomaaliya Muuse Suudi ayaa dadka reer Muqdisho ugu
baaqay in ay dowlada Talyaaniga ku banaanbaxaan.
Mudane Musse oo
u warramayey saxaafada ayaa dowlada Talyaaniga ku tilmaamay mid
ka sii daran dowlada Itoobiyo oo ah cadowga umada Soomaaliyeed.
Mudane Muuse
Suudi ayaa Talyaanigu
ku tilmaamay
mid hakinayo
horumarka Soomaaliya, wuxuuna wasiirku hadallo ay caro kulul ka
muuqato ku yiri, "dowlada Talyaaniga ayaa marnaba raali ka aheyn
in dowlada Soomaliya iskeed u istaagto soona ceshato sharaftii
Soomaalinimo ay caalamka ku laheyd". Wuxuu wasiirku ka codsay
dowladaha caalamka in aynan waxba ugu soo dhiibin dowlada
Talaayniga masuul ka nooqon dowladaha caalamka.
Mudane Suudi
ayaa dowlada Talyaaniga ku tilmaamay mid sii hurinayso colaada
ka aloosan labada garab ee dowlada KMG ah. Wuxuuna ka deeriyey
xiriirka siyaasadeed ee labada wadan u dhaxeeya ee sii xumaanaya
maalinba maalinta ka danbeysa. "Waxaana taa ugu wacan" , buu
yiri Wasiirku, "Talyaanigu weli doonayo in Soomaaliya marnaba ka
dhalan dowlad nidaamsan".
Haddabo,
naceybkan iyo qalalaasaha ay dowlada Talyaanigu dalka Soomaaliya
ka dhex wado ayaa la xiriira sunta niyuukeliyaarka iyo qashinka
wershadaha ay ku duugto dalka Soomaaliya. Tasina waxay
Talyaanigu ugu suurtoobeysaa iyada oo aan marnaba ka dhalan
dowlad hanata nidaamka dalka.
