Baro
Musharaxaaga: "Maanta waxa la taagan yahay xiligii la dooran
lahaa oo ay ka mid noqon lahaayeen baarlamaanka Gobolada Waqooyi
dadka laga tiro badan yahay(Gabooyaha)" Sidaa waxa Yidhi
Musharaxa Gabooyaha ee Xisbiga UCID Xasan SheikhAug-09-2005
Xassan Sheikh Maxamed Aw-Cali Mushara xisbiga UCID oo ka
sharaxan Gobolka Hargeysa Xassan Sheikh Maxamed Aw-Cali Mushara
xisbiga UCID oo ka sharaxan Gobolka Hargeysa.
Hargeysa-(HWN)-Waxaanu waraysanay midkamida musharixiinta
xisbiga UCID oo ka sharaxan gobolka hargeysa kana soo jeeda
dadka laga tiro badan yahay oo looyaqaano (gabooyaha).
Waxaanan ka warystay taariikhnololeedkiisa, waxay tahay
astaantiisu iyo waxa uu ku doortay, iyo goorta uu ku soo biiray
siyaasada iyo waxa uu kaballan qaado shacabkii soo doortay hadii
uu kursiga ku guuleysto, iyo waxa uu damacsan yahay hadii laga
guuleysto. Waxaana magaciisa layidha:Xassan Sheikh Maxamed Aw-Cali.
S:> Marka hore waxaad warbixin kooban naga siisa taariikh
nololeedkaaga iyo shakhsiyadaada adiga xassan sheikh ?
J:> Mahadsanidiin Fursada aad isiiseen,hadaan warbixin idinka
siiyo taariikh nololeedkayga waxaan dhashay sanadkii 1964 waxaan
ku dhashay Magaalada Hargeysa malcaamad quraantii ugu horeysay
waxaan kagalay malcaamada Sheikh Yoonis ee Magaalada Hargeysa,
dugsigi hoose waxaan kabilaabay dugsiga sheikh yuusuf al-kownayan
ee Hargeysa ee xaafada daami, dugsigii dhexe waxaan kagalay
dugsiga Biyo Dhacay, dugsigii sarena wuxuu ahaa dugsiga FAARAX
OOMAAR.
Sanadkii aan kabaxnay secondryga wadanka wax jaamacado ah may
jirin waxaan galay labadii sanadood ee la odhan jirey national
service oo hay'ad shaqada qaranka ayaa markii aanu shaqada qaran
dhamaysanay waxaan nasiib wanaag helay jaamacada LAFOOLE ee
wadankii Soomaaliya, intaa dabadeed waxaan u soo shaqeeyey
haayado badan oo sama fala sida hayada MSF,IRC oo aan mashruuci
diiniga aan gudoomiye ka ahaa iyo haayado kale oo badan, waxa
kale oo aan gudoomiye ka ahaa haayada wadaniga ee layidhaahdo
SMCA oo u ololaynaysay wax kaqabadka dadka laga tirad badan
yahay iyo beelaha Somaliland.
Intii aan yaahada ku jirey ayaan waxaan muujiyey wax qabad badan
oo waxaan dhisnay iskuul aan ilaa lixdankii laga dhisin
xaafadaha ay dadka laga tirada badan yahay aanay ay degan
yihiin, waxaan dhisnay iskuulka daami ee hoose, waxa kale oo
aanu baco uga qaadnay haayada UNHCR buulasha ay dadka saboolka
ahi ay degan yihhin waxakale oo aanu caawiney Rayislayaasha ay
dadka Gabooyuhu ee dan yarta ahi ay ka shaqeeyaan.
Waxanaa beesha gabooyuhu ii magacawday gudoomiye sanadkii 1998
ilaa imikana waan ahay oo aan ugu ololeynayey beelaha laga
tirade badan yahay sidii wax loogu qaban lahaa.
S:> Maxaad ku dooratay astaantaada, ujeedo inteele'eg ayey
xanbaarsantay, maxayse astaantaadu tahay?
J:>Astaantaydu waa Gari markii hore ee aanay komiishanku aanay
na siin calaamadfaha lagu helayey bakhtiyaanasiibka waxaanu
moodaynay musharixiin tayadu inuu nin waliba astaantiisa ay
dadkiisu ku garanayaan uu isagu sameysanayo, waxaanan arkay
musharixiintii aanu xisbiga kuwada jirnay oo calaamadii geelooda
u astaanta ahayad sita, aniga xasan ahaana waxaan is idhi waar
beeshiinu geel madhaqato ee maxaad astaan ka dhigataa dabadeed
waxaan astaan ka dhigtaya Goronyo oon xisbiga u geeyey waxaan ku
idhi dadkayagu waxay garanayaan Goroyada waayo waa dad dhaqan u
layaan jirey ugaadhsiga, oo maah maah gabooye ayaa tidhaahda
ajigu nin deero samy ayey sabaaliya, wax kasta oo ladurkiyaaba
wey fogaadaan markaa hadii aanu nahay dadka laga tirade badan
yahay anaga iyo ugaadhu waxaan wadaagnaa abtirsiimo waa waxa
lanagu riixay dhaqanka.
S:>Xassan Goorma kugu horeysay oo aad siyaasada ku biirtay ?
J:> waxaan ku soo biirey siyaasada markii xisbiyada lasameeyey
waxaan kamid ahaa xisbigii SAHAN oo waxaan ku jirey gudida
abaabulka, tan kale ee arimaha bulshada iyana waan ku jirey
sidii beesha wax loogu qaban lahaa, markaa waxaan ku jirey
siyaasada ilaa todobadii sano ee ugu danbeeyey.
S:> waa maxay barnaamujkaaga siyaasadeed ee aad ololaha aad ku
galeysa adiga xassan ahaan?
J:> walaahi koley ololuhu mayara beeshaydu waxay degtaa lixda
gobol ee Somaliland oo waxaad arkaysaa beelaha qaarkood oo ay
ka sharanyihiin 25 qof oo markaa waxa beeshayada gabooye ka
sharaxan laba qof , marka waxaan aaminsanay inay kuwa gobolka
Hargeysa joogaana ay ii codayn doonaan iyo kuwa kaleba.
S:> maxaa wax qabada ee aad tilmaami kartaa oo aad bulshada u
qabataya intii aad siyaasada ku jirtay iyo xitaa intii ka
horeysay oo aad isleedahay codka shacabka waad ku kasban kartaa?
J:> walaal dawlada kamaan mid ahaan jirin, oo waxaan sameeyey
iskuul aan laga dhisin xaafada ay dagaan dadka dan yarta ah ee
gabooyaha, waxaan wax u qabtay agoomaha beesha laga tirade badan
yahay oo aan haayadaha aan ki xidhiidhiiyey, oo waxaan kagalay
kaanbeyn sidii gudniinka fircooniga loo joojin lahaa, waxaan
maal gelinay rayislayaasha ay dadka danyartu ay leeyihiin oo aan
xitaa raashin uga qaaday, waxaan wax badan ka qabtay xaga
arimaha bulshada waxa kale oo aan qabtay inaan dadaal badan
kamuujiyey sidii beelaha laga tirada badan yahay wax loogu qaban
lahaa.
S:> maxaa kaa lilaahiya xassan sheikh hadii aad kursiga
baarlamaanka aad ku guuleysato inaad u qabanayso dadkii ku soo
doortay?
J:> anigu beelaha laga tiro badan yahay codka kama doonayo ee
waxaan kadoonayaa dadka reer Somaliland oo dhan inay codka
isiiyaan, waxaan codka ugu horeeya karabaa inta aaminsan ina
akramakum cindalaahi atqaakum oo ay cunsiriyada iyo qabiilku ay
kaguurtay ayan karabaa codka, waxa kale oo aan codka karabaa
taageerayaasha xisbiga UCID oo aan aaminsanay inay yihiin dad
aad ubisil, waxaan ballan qaadayaa hadii aan ku guuleysto
baarlamaan inaan wax ka q abanayo ta beeshayda iyo ta wadankayga
Somaliland sidii uu gooni isugu taagi laha Caalamkana uga mid
noqon lahaa Inshaa allah.
S:> hadii lagaa guuleysto, ma ahaandoontaa mid wax qabadkiisa
bulsho siiwada, mise halkaa ayaad kaga hadhi?
J:> markaas ayaan aaminsanay inaan dardarta aan kasii kordhinayo
waxay xanuun ku heysa qolyihii hore kuraasta ugu soo fadhiistay
soomalidu waxay tidhaahda ninkii dhici jirey dhib kumaheysee
dhawaan baradkoow ha dheeliyi, markaa anigu awalba kursi kumaan
fadhiyin waraaba layidhi hadii kabo laguu tolo kawaran wuxuu
yidhi hadii lay tolo waa alxamdulilaah, hadii laguu waayana
kawaranbaa layidhi waa rabil caalamin oo awalba kabo maan xidhan
jirin,
Markaa hadii aan helo waa al-xamdulilaah hadii aan waayana waa
rabilcaalamiin.
Gabagabadii Xassan Sheikh Maxamed Aw-Cali Mushara xisbiga UCID
oo ka sharaxan Gobolka Hargeysa .Mobilkiisu waa number: 402629.
Wariye Mustafe Cabdi Maxamed
Hargeysa,Somaliland.
