Weriye Cabdalla
Nuuradiin ay kooxo hubeysan ee heeybtooda la aqoonin dhaawaceen
Buluugleey,
May 25, 2005
Wariye Cabdalla Nuuradiin
Axmed ayaa kooxo hubeysan oo aan
heynbtooda la aqoonin ku dhaawaceen isagoo fadhiya dukaan uu
ku leeyahay magaalada Muqdisho hortiisa. Wuxuu warku sheegayaa in
kooxadaas falka geysatay ku hubeysanaayeen bistoolado waxayna
weriyaha la haleeleen 3 xabadood oo uga dhacday lugta, feeraha
iyo gacanta. Waxaana isla markiiba wariyaha lagula cararay
cusbitalka Madiina halkaasoo qalliin degdeg ah lagu sameeyay.
Weriye Cabdalla Nuuraddiin wuxuu ahaa
weriye can ah oo si weyn uga dhexmuuqday weriyayaasha Raadio
Muqdisho iyo TV-ga Soomaaliya inta ay dowladdii horey jirtay.
Weriye Nuraddiin waxaa si weyn loogu yaqaanaa kaalinta weyn uu
ka qaato curinta gabyada iyo heesaha. Waxaana ka mid ah gabaygii
dheeraa oo halku dheggiisu ahaa “Nimuu caashaq dhiibay baan ahay
oo ciillan waligiiye”. Nuuradiin wuxuu curiyay heeso fara badan,
waxaana ka mid ah heesaha uu curiyay heesta caanka ah "Dusha
hayga xaganine, la dabbaalo caashaqa" oo uu ku luuqeeyo
Cumar Shoolli. Wuxuu kaloo Cabdalla Nuraddiin qeyb libaax ka
qaatay jilidda riwaayadaha.
