10ka Oktoobar waa maalin Taariikhda
Soomaalida u ah ayaandaro
Buluugleey, Wednesday, October 05, 2005
Garabka Jowhar oo ah taageerayaasha Col.
Cabdullahi Yusuf ayaa isku diyaarinaya iney u dabaaldegaan
maalintii dibeda laga soo doortay Col. Cabdullahi Yusuf oo ku
began 10ka Oktoobar. Faragelintii IGAD ay ku soo xushay
hogaamiye kooxeedka Cabdullahi Yusuf ayey taageerayaashaas ay
isku heybta yihiin ee ku sugan Jowhar u arkaan guul ay ka
gaareen dhinaca siyaasada kadib markii Itoobiya ay gacan ka
geysatey xukun ku soo celinta dadka looga tirada badan yahay
dalka. Waxey inta badan dadweynaha Soomaaliyeed u arkaan
maalintaas iney tahay nasiibdarro iney gasho taariikhda ummadda
Soomaalida u dhigan.
Doorashadii Col. Cabdullahi waxba kama
aysan badelin dhaqankiisa ku saleysan hogaamiye kooxeednimada.
Qaramada Midoobey ayaa ku diidey codsigii uu ku dalbaday in laga
qaado cunaqabateynta saran dalka Soomaaliya xili uu hadda hub
uga soo uruursanayo dalalka Yeman iyo Itoobiya. QM ayaa weli u
aragta Col. Cabdullahi Yusuf inuu yahay hogaamiye kooxeed aan
nabada jecleyn oo ku mashquulsan abuurid xaalad colaadeed iyo
dagaal ku baraarujinta kooxaha ka soo horjeeda oo aan ku
raacsaneyn xaga fekerka. Madaxweynaha Gollaha Amaanka ee QM Mr.
Mihnea Motoc ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay maanta ku sheegay
inay la dhacsan yihiin sii xoojinta cuna qabateynta hubka ee
saran dalka Soomaaliya.
Col. Cabdullahi wuxuu geliyey dadaal badan
hogaamiye kooxeedka Maxamed Dheere oo ay horay shirko ugu
ahayeen ka ganacsiga dadka Soomaaliyeed oo ay argagixiso ahaan
gacanta ugu geliyaan cadowga Itoobiya. Xaqdarra ay ku heshiiyeen
awgeed waxey maanta Jowhar qarka u saran tahay ama in Maxamed
Dheere laga masaafuriyo ama in Col. Cabdullahi uu isaga tago oo
u guuro gobolka Bakool. Maxamed dheere oo la dabageliyey
Cabdirisaaq Juriile ayaa waxaa u yeertay Itoobiya si arrinta ka
jirta Jowhar loogu helo xal. Juriile ayaa loo sii dhiibey
qoraalo uu si gooniya u bixinayo faahfaahintooda, isagoo ka tala
dhiibanaya sida ku haboon oo Maxamed Dheere dhaqankiisa laga
yeelayo.
Garoonka Jowhar oo la balaariyey, qarashka
ku baxeyna ay Itoobiya lug ku lahayd si dayaaradaha dagaalka ee
Itoobiya ay qeyb uga qaataan dagaalka lagu qaadayo Muqdisho,
garabka Col. Cabdullahina uu u helo saanad iyo hub joogtaa, ayaa
la filayey in lagu aamusiyo Maxamed Dheere iyo qaraabadiisa
gaarkaa inay ka helaan dhaqaale ku dhiirisa iney ku qancaan
waxtarka ay ka helayaan garabka Cabdullahi joogitaanka ay ku
degan yihiin degmada Jowhar iyo adeegyada ay u sameynayaan
ciidamada Bari ka yimid oo ku xareysan xerooyinka loogu
talagalay maleeshiyooyinkaas.
Garabka Jowhar ayaa Maxamed Dheere u arka
nin ka soo habaabay kooxaha ay isku heybta yihiin ee ka soo
jeeda Muqdisho kana soo horjeeda siyaasada Col. Cabdullahi Yusuf.
Maxamed Dheere ayaa laga ilaaliyey inuu xogta sare ee ka socota
hogaanka dalka inuu lug ku yeesho, waxaana lagu xadidey talada
maamulka Jowhar. Maxamed Dheere oo aan wax jagaa ka heyn
maamulka Col. Cabdullahi ayaa qiil looga dhigay in laga fogeeyo
sirta sare ee ka socota aqalka Col. Cabdullahi. Maxamed dheere
oo colaad weyn loogu qaaday soo dhaweynta uu u fidiyey garabkaas,
ayeysan ka dhaadhicin gurigiisa in lagu shiro haddana qorshaha
laga qarsado. Taasna waxey ku dhalisay inuu isaguna si dadban uu
u muujiyo dhaqan cabsi gelin leh oo uu ku hayo dadka ku fekerka
ah Col. Cabdullahi Yusuf ee aan laga wargelin magacaabidooda.
Maxamed Dheere ayaan u arkin iney waxba
soo kordhin karto dadaalka ay madaxda Itoobiya ku dooneyso in
Maxamed Dheere loo magacaabo jago haddiba ay kooxda ku wareegsan
Col. Cabdullahi ay markasta u keydsan tahay il ay isaga
ilaalinayaan isaga oo aan ku heyb ahayn, cabsina ay ka qabaan
mustaqbalka in laga yaabo dagaalka lala damacsan yahay dadka ku
hebta ah inuu fashiliyo xili howlgalkeeda gudaha looga jiro.
Talada Itoobiya aya hadda u badan inaan la gaarin wakhtigii laga
maari lahaa hogaamiye kooxeedka Jowhar, waxaana laga yaaba in
ninkaas lagu soo qanciyo u magacaabida jagada madaxweyne ku
xigeenka si bal uu talo ugu yeesho arrimaha ka socda aqalka Col.
Cabdullahi.
Itoobiya ayaa aad u raacsan kooxda ku
fekerka ah Col. Cabdullahi Yusuf oo hab xigto ahaan ugu
wareegsan korneylka, waxaase u muuqata inaan weli la gaarin
markii laga maarmi lahaa hogaamiye kooxeedka ku lifaaqan
siyaasadooda, kaas oo ka soo jeeda beelaha ay dagaalka
siyaasadeed kala dhaxeyso Col. Cabdullahi. Waana taas mida
keentay in loo yeero Juriile oo ka siyaasad dabacsan Col.
Cabdullahi, laakiin ka masiibo badan marka la qorsheynayo shax
daboolan oo aysan muuqan waxyeeladeedu inta laga gaarayo
wakhtigii loogu tala galay iney qaraxdo.
Itoobiya oo ah cadowga Soomaaliyeed ayaa u
dhisatay Garabka Jowhar iney si dadban ugu xukunto dalka
Soomaaliyeed, taasna waxaa kuu cadeynaya sida loogu yeeranayo
madaxda garabkaas si loogu soo dhiibo qorshayaasha loo soo
diyaariyey iney fuliyaan, loogana dhageysanayo kuwa iyagu ay ka
soo diyaariyeen wadaniyiinta dalka u dhashay ee ka soo horjeeda
siyaasada Itoobiya iyo kooxaha ay wadato oo ka kooban hogaamiye
kooxeedyada. 10ka Oktoobar ayey u heystaan dadka ku heybta ah
Col. Cabdullahi maalin weyn oo ay dib ula soo noqdeen xukunka
dalka Soomaaliyeed. Maalintaas waa maalin mugdi u ah taariikhda
Soomaalida, waxeyna tahay maalin cadowga Itoobiya uu ku faraxsan
yahay inuu Soomaaliya ka hirgeliyey siyaasadiisa abaareysa in
Soomaalida lagu mashquuliyo dagaal iyo iney u taliyaan hogaamiye
kooxeedyo ka talo qaata Itoobiya, sidaasna ay Soomaalidu uga
harto horumarka ay ku gaari lahayeen siyaasad degan oo dalka
gaarsiisa madaxbanaani buuxda oo dhinac walba leh.
