Mudane
Maxamed Qanyare Afrax oo la soo baxay isbedel cusub oo uu kaga
tanaasulayo qodobadii uu uga soo horjeedey Col. C/llahi Yusuf
iyo magaalo madaxnimada Muqdisho.
Buluugleey,
February 1, 2006
Qanyare ayaa
wuxuu ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho ee la galay
heshiis hoosaadka Col. C/llahi Yusuf sidaasna ugu codeeyey
doorashadii madaxtinimadiisa. Balamihii oo waxba ay ka socon
waayeen awgeed, ayaa labadaas hogaamiye waxaa u dhexeysey wakhti
dheer colaad iyo dagaal ninba ninka kale uu ka cuuryaaminayo
dhinaca dhaqaalaha iyo aragtida caalamka.
Col. C/llahi
Yusuf ayaa hadda waxaa muuqata inuu doonayo in uu dib ugu noqdo
balanqaadyadii iyo heshiisyadii kala dhexeeyey Qanyare waa
haddii uu Qanyare ka soo haro kooxaha mucaardka ee ka jira
Muqdisho.
Qanyare ayaa
daneynaya inuu buuxiyo kaalinta ay baneynayaan Prof. Geeddi iyo
Maxamed Dheere. Wuxuuna isku diyaarinaya inuu dowlada ka
dhaadhiciyo iney soo degaan degmada Dayniile, amaankoodana uu
isagu sugayo.
Qanyare ayaa
markaan u muuqda mid doonaya inuu ka tanaasulo Muqdisho iney
noqoto meesha ay dowladu degto iyo ciidamada safka hore inaan la
keenin Soomaaliya. Haddii labadaas qodob oo ah mabda’ ugu weyn
ee uu uga soo horjeedey C/llahi uu ka tanaasulo, wuxuu noqonayaa
hogaamiyaha ugu horeeya ee reer Muqdisho oo ku siyaasad noqda C/llahi
heshiiskii Cadan ka dib. Waxaa sidoo kale laga yaaba inuu meel
marinta siyaasadaas uu ku helo dhaqaale iyo hub uga yimaada
dhinaca Itoobiya, sidoo kale waxaa macquula inuu helo
balanqaadyo jagooyinka sare ee dowlada iyo in maleeshiyadiisa ay
ka badbaadeyso duulanka Itoobiya ay la damacsan tahay Muqdisho.
