Col. Xasan Abshir oo heshiis qarandumisa la galay Shirkada
Top Cat Marine Securuty oo ka diwaan gashan dalka Mareykanka
Buluugleey, November 27, 2005
Col. Xasan Abshir oo ka
wakiila Col. C/laahi Yusuf iyo danaha beelaha Gobolka Bari ayaa
heshiis la saxiixday Mr. Casini oo horjooge u ah calooshooda u
shaqeystayaal laga diwaan gelinayo shirkaad Top Cat oo uu ku
dhacay magac xumo iyo burbur dhaqaale.
Shirkadaas ayaa waxey caan
ku ahayd dhismaha doonyaha dheereeya, waxeysa hadda ku dartay
howlaheeda in si qaab calooshooda-u-shaqeystanimo leh ay uga
howlgasho wadamada dibeda, waxeyna qorataa shaqaalaha ka rajada
beelay adduunka oo horay u soo ahaa jirey ciidan milateri.
Shirkadaas waxaa lagula
heshiiyey 55 milyan oo Doolar labada sanno oo ugu horeysa,
garabka Jowharna ma hayo lacagtaas. Waxaa lacagtaas laga soo
saarayaa maraakiibta sida sharci darada ah uga kaluumeysta
xeebaha Soomaalida.
Xasan Abshir ujeedada uu
heshiiska ula galay calooshooda u shaqeystayaal shisheeye waa ay
ka weyn tahay in shirkadaas ay la dagaalanto doonyaha hubeysan
ee ka soo horjeeda shirkadaha shisheeye ee ka kaluumeysanaya
xeebaha Soomaalida.
Marka kowaad,
dagaaloogayaal uu ka mid yahay Xasan Abshir ayaa si gaara
qandraasyo ula galay shirkado shisheeye oo si sharci darro ah
uga kaluumeesta xeebaha Soomaalida. Doonyaha hubeysan ee ka soo
horjeeda Tuugnimada baddaha Soomaalida ay ku hayaan shaqsiyaad
Soomaaliyeed iyo shirkado shisheeye ayaa waxey halis ku noqotay
danahiisa gaarka ah.
Marka labaad, qarashka
shirkadaas lala galay ayaa waxaa laga rajeynayaa in deeq lacaga
looga helo dowladda Mareykanka oo cabsi weyn ka qabta in ra’yiga
dadkeedu uu ka keeno arrintaas dareen culus. Qarashka intiisa
badan ayaa la filayaa iney ku baxdo iibsiga doonyaha dheereeya
oo marka dambe ku soo wareegi kara gacanta kuwa gacan saarka la
leh heshiiska qandaraaskaas, waxaa sidoo kale aan meesha ka
marneyn dalaalnimo laga helo qeyb ka mida lacagtaas.
Marka sadexaad,
maleeshiyooyinka la saarayo doonyahaas waa kuwo ka soo jeeda
beelaha Bari iyo kuwa guud ahaan la heybta wadaaga, taasna ay
tilmaameyso ujeedada dagaalka bada oo ah in lagu cadaadiyo
degaano gaara ama lagu tirtiro doonyaha ay isku difaacayaan
xeebaha dhexe.
Waxey u muuqataa in
dagaalkii beelaha hadda loo leexiyey dhinaca bada iyadoo la
kaashanayo calooshooda u shaqeystayaal shisheeye oo danahoodu ku
saleysan yihiin qaab burcadnimo. Top Cat ayaa asal ahaan waxaa
is ka leh dad ka soo jeeda Talyaaniga oo u dhasay dalka
Mareykanka, waxaana loo badinayaa iney ku lug leeyihiin kooxda
maafiyada Talyaaniga. Dadka Soomaaliyeed waxey wixii eeda oo ka
yimaada shirkadaas Mareykanka ay dusha u saari doonaan dalka
Mareykanka oo qaan ahaan loo raacanayo waxyeelada ay geysato
shirkadaas.
Col. Xasan Abshir ma ahan
markii ugu horeysey ee uu dalka soo geliyo calooshooda u
shaqeystayaal shisheeye. Hadda ka hor ayaa lagu tuhmayey in
isaga iyo Jurille ay ku lug lahayeen qandaraasyadii calooshooda
u shaqeystayaalka South Afrika lagula soo heshiiyey inay ku
burburiyaan gobolada waqooyi wakhtigii ay sii liiceysay dowladii
keligitaliyihii milateriga ahaa ee Siyad Barre. Sidoo kale wuxuu
gobolka Bari horay u keenay shirkad ka dhalisay degaanka iska
hor imaad iyo khilaaf weyn, taas oo lagula heshiiyey ilaalinta
xeebaha Bari. Dalaalnimada laga helo qandaraasyada lala galo
shirkadaha shisheeye ayaa ah dulucda ugu weyn ee laga leeyahay
magacyada shirkadaha la huwinayo iskaashiga magac u yaalkaa.
Adduunka kama jirto dowlad
ay calooshooda u shaqeystayaal u yihiin ciidankooda badda. Col.
Xasan Abshir wejigiisa qaawan waa inuu si burcadnimo ah hantida
Soomaalida ee badda ku jirta uu magac shisheeye la kaashado
sidii uu u dhici lahaa, kuna laayo danahiisaas qaldan
dhaliyarada aysan isku heybta ahayn ee ka soo horjeeda
damaacigiisa.

|
|