Guddiyo ka hawlgalo nabadgelyada Muqdisho ee manta la magacaabay

Buluugleey April 19, 2005

 

Guddiyo sare oo ka hawl gala Magaalada Muqdishoo si ay u soo xasiliyaan nabadda iyo xasillonida ayaa maanta lagaga dhawaaqay caasimadda Soomaaliya. Guddi nabadgelyo ay dhawaantaan magacaabeen mudanayaashii ka kala  socday labada Gole ee dowladda KMG ee lu magacaaabay Muqdisho ee ka koobnaa 25 xubnood ayaa manta guddi kale ku dhawaaqay ee ka shaqeynaya nabadda iyo xasiloonida caasimadda

Guddigaas la magacaabay ayaa ka kooban 36 xubnood kuwaasoo 11 ka mid ah ay yihiin aqoonyahano, halka 25-ka kalana ay yihiin guddi hoose oo soo diyaarinaya qaabka maleeshiyooyinka looga saarayo caasimadda Muqdisho. Guddiyadaan ayaa laga soo xulayaa magaalada Muqdisho si ay u sugaan nabadgelyada Gobolka Banaadir.

Guddiyadaan labada qeybood ka kooban ayaa waxay ka soo shaqeynayaan qaabka loo sugayo nabadgelyada Gobolka Banaadir iyadoo guddiyadaan laga soo xulayo dhinacyada magaalada Muqdisho, Sida ay sheegeen ilo ku dhow dhow xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan.

 Soomaliya oo muddo 15 sanadood aan deganayn baa dadweynaha  Soomaaliyeed ka rajeynayaan xidhibaanadaan ka kala socda labada Gole ee dowladda KMG inay soo afjaraan colaada ka aloosan waddanka oo idil.

 HOME