Qaxooti Soomaaliyeed oo maalintii labaad ka sooman cuntada
Buluugleey November 20, 2005
Qaxooti u badan caruur, odayaal iyo haween ayaa maalintii labaad
ka sooman cuntada iyagoo ka mudaaharaayaan xaalada dhibaateysan
ee ku sugan yihiin tan iyo intii ay u soo hayaameen dalka Yaman.
Waxay qaxootigaas soo tubteen xafiisyadda hay’adda Qaxootiga ee
Qaramada Midoobay (UNHCR), iyaga oo codsanaya in laga caawiyo
xaalada qallafsan ee kala kulmeen xerooyinka qaxootiga dalka
Yemen.
Dadkaasi dibadbaxa dhigayey ayaa sheegaya in warqadaha
aqoonsiga ee qaxootiga oo ay bixisey hay’adda UNHCR uu
waqtigoodii dhacay, teeda kalena aysan helin wax kaalma ah oo
waxay ku sugan yihiin xaalad naxdin leh. Waxaa kaloo intaas
qaxootigaasi u sii dheer inay jirto cabsi ballaaran oo ah
in ay dowladda Yaman xir-xirto oo dabadeedna soo
musaafuriso.
Dadkaasi qaxootiga Soomaaliyeed ah ayaa waxay soo gudbiyeen
warqad cabasho ah oo ku qorneyd inay haba yaraatee aynan dowlada
Yaman siinin wax gargaar ah ama aynan heysanin nolosha
asaasiga ah, isla markaasna aynan soo gaarin gargaarka uu ugu
talagalay Ururrka Qaramada Midoobey ee u qaabilsan Qaxootiga
Dadka qaxootiga ah ee ku nool dalka Yemen ayaa tiradooda lagu
qiyasayaa 50,000 oo ruux kuwaas oo ka soo hayaamay dalka
Soomaaliya. Soomaaliya ayaa ilaa haatan ka jirin
maamul dhexe ee u adeegi karta dadka soomaaliyeed.
