Qaxooti
ku qarriqmay badda ee uu soo badbaadiyay markab Mareekanku
leeyahay
Buluugleey
04/30,2005
Doon sidday
in kabadan siddeetameeye qofood ee tahriibayaal ah ayaa soo
badbaadiyay markab lagu magacaabo Normadi oo nooca dagaalka ee
Mareekanku leeyahay. Warku wuxuu sheegayaa in 5 qof ay dhinteen
80 kalena la soo badbaaiyeen, kadib markii ay kharaqantay
doontii ay la socdeen. Doonta waxay ku sii jeedday dalka Yeman.
Doontaas tahribayaalka sidday ayaa xaaladeeda aad u
xumeed markii la arkay iyadoo dul heebaabeyso badda dusheeda
rakaabkii saarnaana midba meel ku qaraqmay.
Soomaalidi
badan ayaa ku halligmay badda ilaa 15kii sanadood ay waddankaynu
dawlad la’antu saameysa. Dadka intooda badan waxay u
tahriibayaan inay iska dhiibaan waddamo shiyeeye si ay u
badbaadiyaan noloshooda. Hase yeeshee, dadkaas hayaanka ah
waxayna helin doomo ku haboon safarka badda, waayo inta badan
waa kuwa ay ka tan badan yihiin rakaabka ay sidaan.
