Safiirka Talyaaniga oo la kulmay gudoomiyaha barlamaanka
Shariif Xasan
Buluugleey Jun 9, 2005
Safiirka dowladda Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya
Signor Mario Vitelli ayaa la kulmay guddoomiyaha baarlamaanka
dowlada KMG Mudane Sharif Xasan iyo mudanayaashaa baarlamaanka
Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho. Kulankaas oo ka
dhacay hoteel Saxafi oo ah halka xubnaha dowladda intooda badan
ay degen yihiin ayaa looga hadlay siidii loo hagaajin lahaa
xiriirka Talayaaniga uu la leeyahay dowlada KMG Soomaaliya oo
beryahan danbe murugsanaa.
Mudane
Mario Vitelli waxaa uu sheegay in xukuumaddiisu door weyn ka
qaadan doonto nabadeynta iyo iney dadaal weyn ka muujin doonto sidii
Soomaaliya ay gacan u siin lahayd. Mudane Mario Vitelli oo
sheegay in dowlada Talyaaniga ay dadaal farabadan ku bixineyso
sidii loo soo afjari lahaa khilaafaadka u dhaxeeya madaxda
dowlada KMG ah.
Shirkaan wuxuu ka danbeeyey markii shacabka Soomaaliyeed ee
degen Muqdisho ay qaban
qaabinayeen banaanbax looga soo horjeesanayo dowlada Talyaaniga
markii mudanayaasha labada gole ee ku sugan Muqdisho ay ku
dhaleeceeyeen in taliska ra'isul wasaare Selvio Berlusconi muujiyay
inuusan dhexdhexaad ka ahayn oo uu dhan ka mid ah xigsaday
xubnaha dowladda federalka ee aragtida siyaasadeed ku kala
guuray.
