Saraakiisha
Itoobiya oo la kulmay wasiirada dowlada KMG
Buluugleey,
Juun 8, 2005
Wasiirada kala ah Sheekh Aadan Max’ed Nuur "Sh. Aadan Madoobe"
iyo Ibraahim Kiish-buur ayaa shalay soo gaaray magaalada Xudur
iyagoo ka soo laabtay deegaanka Ceel-barde oo ay maamusho
dowladda Itoobiya. Warkaan oo aan ka soo xiganay bogga
Harardheere ayaa sheegaya in toddobaadkii inaga tegay
wasiiraradaasi la kulmeen saraakiil Itoobiyaan ah iyagoo isla
qaada dhigay sidii ay mar kale magaalada Baydhabo gacantooda ugu
soo noqon lahayd. Magaalada Baydhabo oo dowelada KMG loo diiday
inay fariisin ka dhigato kadib markii laga saaray gacanta
Shaatiguduud iyo Adan Madoobe.
Ilaa intii
lagu dhawaaqay dowlada FKMG ee Soomaaliya waxaa dalka ka
aloosan colaado geystay qasaare aad u ballaaran oo naf iyo
noolba leh. Dagaaladaas ayaa maalin maalinta ka dambeysa ku sii
fidaya gobollada ay horey nabadda uga jirtay. Colaadahan waxay
salka ku hayaan qorshe dowlada Itoobiya oo ay weligeedba la
damacsaneed umadda Soomaaliyeed, waxaana qorshahaasi gundhig u
ah in Soomaaliya degin kana dhalan dowlad u adeegta danaha
shacabkeeda.
