Sarkaal Boolis ah oo ka badbadaay shirqool dil

Buluugleey April 18, 2005

 
 
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka bad
badbaaday isku day dil kadib markii kooxo maleeshiyo ah ay dhaawac ugu
geeysteen maanta Agagaarka Zope ee KM 5 ee magaalada Muqdisho.
 
Sarkaalkaan oo darajadiisu aheyd ( kabtan) 3 xidigle magaciisana la
yiraahdo Guuleed Sheekh Xuseen ayaa ka tirsanaa ciidamada Booliska
gaar ahaan CID isagoo dhaawaciisana la dhigay Isbitalka Madiin ee
magaalada Muqdisho.
 
Dr. Sheekh Doon Salaad Cilmi oo ah agaasimaha isbitaalka Madina oo aan
wax ka weydiinay dhaawaca sarkaalka ayaa waxa uu sheegay in dhinaca
caloosha ay rasaastu kaga dhacday, qaliin lagu sameeyey kadibna haatan
xaaladiisu ay wanaagsan tahay.
 
Goobta uu falkan ka dhacay ayaa waxaa maanta buux dhaafiyay dad aad u
faro badan oo ka argagaxsanaa qaabka kooxahaasi ay ku toogteen
sarkaalka.
 
   Cabdi Maxamed Ismaaciil (Cuud) Muqdisho

 

HOME