Weriyeyaal
lagu xir-xiray magaalada Garowe
Buluugleey
Jun 24, 2005
Booliska magaalada
Garoowe ayaa 48 saac in ka badan ku haya xabsiga Laba weriye
oo kala ahaa Tifaftirihii wargeyska Shacab iyo weriye kale,
waxaana looo cuskaday in ay soo saareen nuqulo ka dhan ah
maamulka Puntland. Ilaa hadda ma jiraan warar xaqiijinaya in
suxuufiyaantaas la soo daayey.
Ma aha markii ugu horeysay gudaha
Soomaaliya lagu xir-xio ama la jirdilo amba
dhegta dhiiga loo daro saxafi gudanaya waajibaadkiisa.
arrintaasna waa wax khilaafsan sharciga saxaafada ee caalamka u
dhigan. wararka ayaa sheegaya in weriyayaasha an la ogeyn
xaaladooda waxa ay ku sugantahay.
Hadaba dhawaanahan waxaa soo ifbaxayey dhibaatooyinka lagu
hayo saxaafadda xorta ah iyo wariyayaasha madaxa banaan, iyo
weliba kuwa u shaqeeya Hay'ado saxaafadeed, waxaana had iyo goor
maleeshida maamulka Puntland u geystaan gef weyn iyo caburis ee
weedaarsan xeerk asaxaafada caalamiga.
