Qaar ka mid ah
shabakadaha internetka oo lagu jabiyay dagaalkii dhexmaray
maxkamadaha islaamiga iyo isbaheysiga ka soo horjeeday
Inkasta oo ay aduunyada
badankeeda ka jirto saxaafad aan dhexdhexaad ahayn oo taageerta
mabaadi’ gaar ah amaba leh ujeedoonyin siyaasadeed hadana
suxufiyiintu waxay iska ilaaliyaan in loo arko in ay la saftaan
mid ka mid ah garabyo iska soo horjeeda. Waxaa kale oo iyaduna
jirta in ay warbaahinta aduunyadu ka siman tahay ka
dheeraanshaha faafinta wararka been abuurka ah oo sumcad xumo ku
ridi kara kaalintooda warfaafineed.
Dalkeena Soomaaliya oo aan
lahayn sharci ilaaliya nidaamka ay saxaafadu u shaqayso ayaa
waxaa ka dhacday bililiqo wayn oo lagu sameeyay shaqadii
suxufiyiinta. Wargaysyada madaxa banana, idaacadaha iyo
shabakadaha internetka ayaa noqday mowjad soo burqanaysa oo ay
kooxaha iska soo horjeedaa ku faafiyaan akhbaarta ay
jecelyihiin iyagoo aan u aaba yeelin nidaamka saaxafada oo lagu
yaqaan in lagu faafiyo warar xaqiiqo ah, dhexdhexaadna ah,
islamarkaana leh meel laga soo xigtay.
Weriyeyaashu waxay ka mid
yihiin dadka dantoodu ku xiran tahay xaaladaha murugsan. Dadka
xirfadoodu adeegsiga meheradaas, waxaa ku jira beenlow,
bililiqayste iyo caade qaate ay dalkiisa iyo diintiisa kala
weyn tahay maalin qado laga bixiyo. Waxaa arintaa noo
xaqiijinkara dagaalkii loogu magacdaray la dagaalanka
argagixisada ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho oo boqolaal
masaakiin soomaaliyeed ah looga dhigay wax dhintay iyo wax
dhaawacmay. Waxaa kale oo intaa sii dheer barakaca dadka iyo bur
burka hantida ee ay gaysteen kooxihii dagaalka ku qaaday
xaafadaha ay dadka rayidka ah degenayeen.
Wax layaab leh ma ahayn in ay
kuwii sheeganayay in ay yihiin madax jagooyin u haya shacabkooda
in ay galaan fal danbiyeedka intaa le’eg, inkasto horay
loogu ogaa in ay xumaan dhamaanteed ka suurtowdo, haddana waxaa
la qiyaasayey iney ku gaabsadaan xilalka ay ka hayaan dowlada oo
ah heer wasiir. Waxaa is weydiin mudan, sidee ay saxaafada
Soomaalidu uga hadashay dagaalkaasi? Maxaa maskaxdaada ku soo
dhacay? Ma qososhay oo hadana ma calool xumaatay? Shabakadihii
internetka ee taageerayay kooxihii madaafiicda ku laayay
waayeelka iyo caruurta weli ma akhrisataa adiga oo ka raadinaya
wararka Soomaaliya? Hadii ay war soo qaraan ma rumeysaneysa?
Waxaa xaqiiqo ah in aanay dadka
oo idili jawaab isku mid ah ka bixinayn su’aalahaasi, balse
waxaa wax Soomalida inteeda badan xaqiiq u noqotay in kuwii
maatida ku soo duulay iyo shabakadihii internetka ee taagarayay
ay labadubaa si siku mid ah ugu jabeen dagaalkii, maantana
ay labadooduba suuqa ka wada bexeen.
Abdirizaq Ahmed
Rochester, Minesota
USA
Email:Abdirizaq88@hotmail.com
