Cadaadiska Maxamed dheere
ee ku wajahan xildhibaanada ku sugan magaalada Jowhar
Buluugleey July 8, 2005
Guddoomiyaha guddiga siyaasadda gobolka Sh/dhexe Max’ed Cumar
Xabeeb (Maxamed-dheere) ayaa Jowhar ka soo saaray wareegto uu ku
xaddidayo xorriyada u kala socodka gobolka. Wareegtadan oo ku
dalbanayo in aanan magaalda xilligii la doono laga bixi karin
isga oo Maxamed Dheere aan amar buuxa laga helin. Wareegtada
waxaa ku xusan in cidii dooneysa in ay ka baxdo gobolka marka
hore waa inay soo war gelisaa Maamulka Sh/dhexe, taas oo
cadaadis aad ah ku noqotay xubnaha labada gole ee ku sugan
magaalada Jowhar.
Wareegtada waxaa loogu gogolxaarayo in lagu sugo amaanka Col.
Cabdullahi Yusuf oo la filayo inuu dhawaan soo gaaro magaalada
Jowhar. Cabsi weyn ayaa soo wajahday maamulka Maxamed Dheere
intii uu ku martigeliyay xubnaha ka socda dowlada KMG, iyo
ciidamada ka socda gobolka waqooyi bari iyo warar kale aan
sugneyn waxay sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah ay ku sugan
yihiin Gobolka Shebeelada Dhexe. Taas oo dhamaan dadka
Soomaaliyeed dareen weyn gelisay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa
kacsan jawiga deganaashaha Sh/Dhexe
waxayna wararku
sheegayan in haddii ciidamo uu wato Col. C/laahi Yuusuf ay soo
gaaraan gudaha gobolka waxaa suurtagal ah in dagaal foodda lays
daro.
Warar kale aya sheegaya in dowlada KMG ay si toos u soo
faragelisay Maamulka Sh/dhexe oo waxay dowladdu soo jeedisay in
tartan loo galo Gudoomiyenimada gobolka Sh/dhexe taas oo laga
yaabo in looga guuleysto Maxamed Dheere oo siyaasada maamulka
gobolka in mudaba siduu doono ka yeelo.
