Madaxda Garabka Jowhar
iyo Gobolka bari oo ku heshiiyey iney qeybsadaan hantida laga
helo shirkadaha shidaalka ka baaraya gobolka Bari
Buluugleey, Saturday,
October 08, 2005
Wafdi ka socdey Bossaaso oo
beryahan ku sugnaa degmada Jowhar ayaa waxey shir qarsoodiya la
galeen madaxda garabka Jowhar ee uu hogaaminayo Col. Cabdullahi
Yusuf. Wafdigaas oo ay u badnayeen dalaaleey ka wakiil ah
ganacsatada iyo maamul beeleedka ka jira gobolka Bari ayaa waxey
wada xaajood gaara la fureen wakiilada ka soo jeeda gobolkooda
ee ku sugan magaalada Jowhar.
Garabka Jowhar oo ah qeyb ka
mida, kana soo go’day maamulkii lagu soo dhisay Kenya ayaa
horay ugu soo jeediyey eed maamul beleedka ka dhisan gobolka
Bari. Waxaana raga horkacaya maamul gobeleedkaas lagu eedeeyey
in si u gooniya heshiisyo qalada ay u la galeen dowlado
shisheeya iyo shirkado ajnebiya oo ay tahay iney dowlada dhexe
oo keliya xaq u leedahay iney gasho heshiisyada nuucaasa ,
welibana uu ansixiyo golaha baarlamaanka.
Madaxda garabka Jowhar ayaa
sidii madax ka timid wadan shisheeye oo kale si heer sare leh u
soo dhaweysey wakiiladii uga yimid dhinaca Bari, xili magaalada
Jowhar shaqsiyaad ka soo jeeda Xamar madaxa looga xiirayey oo
sharaf dhac lagula dhaqmayey.
Waxey madaxda grabka Jowhar
marxabeynta kadib wadahadal hoose la gashay wakiiladaas. Kadibna
waxey si dhaqso leh u soo saareen hadal wada jira oo ku
dhawaaqayey in arrintii dhalisay khilaafka la iska afgartay
iyadoo wax faahfaahina aan loo soo bandhigin dadweynaha
Soomaaliyeed.
Wakiilada ka yimid gobolka Bari oo boqasho
xigtanimo ugu yimid siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolkaas oo
hadda ay xaruun u tahay degmada Jowhar ayaan muujin iney diyaar
u yihiin iney gorgortan ka galaan gooni u daaqa ay ku jireen
sannooyinkii dambe . Ragaas ayaa waxey wateen hindiso ay ku
doonayeen in loogu dhameeyo gooni u isticmaalka kheyraadka
gobolka Bari ku keydsan. Waxaa jira warar tilmaamaya in la
aqbalay codsigooda, lagana yeelay ragas in si hoose loogu
dhameeyo arrintooda.
Prof. Geedi ayaa war ka soo baxay wuxuu
sheegay in la is waafajinayo axdiga qaranka iyo kan Bari.
Laakiin, warar hoose oo laga helay labada dhinac ayeysan ka
muuqan in arrimahaas laga wada hadlay ama laga gaarey wax
heshiisa oo raacsan qanuunka adduunka u degsan wadan
madaxbanaan iyo axdiga guud ee uu ku soo dhisnaa dalka
Soomaaliyeed, taasna ay tahy mida sababtay in war rasmiya laga
soo saari waayo dhamaadka kulankaas. Laakiin, waxaa iska cad in
murankii u dhaxeeyey wakiiladii ka socdey gobolka Bari iyo
madaxda garabka Jowhar ay dhamaatay, kuna soo gabagaboowdey
iyaga oo si hoose ugu heshiiyey iney qeybsadaan wixii dhaqaala
oo laga helo shirkadahaas shidaalka ka qodaya gobolka Bari.
Heshiiska ayaa laga leexiyey
mariinkiisa iyo arrintii dhalisay khilaafka oo salka ku heysey
ineysan gobolada dalka aysan wax heshiisa la geli karin wadamada
shisheeyaha iyo shirkado ajnebiga, kuwaas oo ay tahay howl ay
iska leedahay dowlada dhexe. Waxaa doodii dhalisay muranka loo
jeediyey dhinaca axdiga gobolka Bari, taas oo aysan meesha
joogin doodeedu, waayo dowlad dhexe nidaam goboleed ay wax ka
dhistay oo gobolada ka socda ma jiro, marka axdigooda in hadda
laga doodo waa arrin mariin habaabina.
Waxaa muuqata in heshiiskii
loo rogay mid shaqsi iyo mid kooxeed, kaas oo ogolaaday in loo
dhameeyey gobolka Bari inuu ku saxsanaa heshiiskii uu la galay
shirkadaha shisheeye, garabka Jowharna uu siiyey ruqsadihii iyo
waraaqihii cadeynayey heshiiskaas kadib markii wakiiladu
ogoladeen in siyaasiyiinta Jowhar iyaguna ay sidaas ku helayaan
qeybta looga soo qoondeeyo hantida ka soo gasha shirkadahaas.
Hadda ka hor ayey marar
badan dhacday siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Bari sida Xasan
Abshir, Cabdullahi Yuusuf, Cabdirisaaq Xassan Juriile iyo
Maxamed Abshir Haamaan iney heshiisyo gooniya la galeen shurkado
shisheeye oo daldalanayey kheyraadka xeebaha Soomaaliyeed,
sidaasna ay ku helaan dhaqaale iyaga u gooniya
Gobolka Bari oo ah gobolka
dalka Soomaaliya ugu saboolsan oo leh kheyraad aan ka baxsaneyn
kaluunka bada ayaa weligiis wuxuu culaab weyn ku hayey
dhaqaalaha canshuurta ka soo gala dowlada dhexe oo ummadda
Soomaaliyeed laga soo uruuriyo. Heshiiskaas sooma uusan hadal
qaadin inta ay gaarsiisnaan doonto isku filnaashaha ay gooni uga
istaagayaan ummadda inteeda kale wakhti uusan jirin dowlad dhexe
oo maamusha gobolada dalka. Arrintaas waxey tilmaameysa sida
garabka Jowhar ay u daneynayaan xoolo ay shaqsi ahaan uga helaan
magaca Soomaaliyeed iyagoo aan dan ka lahyn ummadda ku nool
gobolada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Hadda ayey ceeb
ka taagan tahay madaxda garabka Jowhar oo la soo sheegay iney
guryo ka gateen magaalada Nairobi iyo iyagoo lagu eedeynayo iney
lacagtii loogu soo dhiibey shacabka Soomaaliyeed ay ku shubteen
xisaabtooda gaarkaa ee uga furan dalalka shisheeyaha, taas oo
dhiilo weyn gelisey deeq bixiyeyaasha caalamka oo arrimahaas ku
howlan daba galna ugu jira baaritaankooda.
