Prof. Cali Maxamed Geedi oo ka hadlay qoddob ku saabsan Gobolka Bari oo  Jamhuuriyada Soomaaliya si ka madaxbanaan heshiis ula galay Shirkada shisheeye.

Buluugleey, Wednesday, August 31, 2005

Prof. Geedi oo saxaafadda war ku siiyay magaaladda Nairbi ayaa u goodiyay shirkad laga leeyahay waddanka Australia oo dhowaantan heshiis shidaal baaris ah la gashay maamulka Ismagacaabay ee Gobolka Bari. Maamulkaas iskiis ay u abuurteen beelaha dega Bari maha mid magaciisa iyo maamulkiisa midna ay aqoonsan yihiin dadweynaha Soomaaliyeed. Gobolada dalka oo dhana ma jirto meel ilaa iyo hadda laga sameeyey dhismo maamul goboleed oo lagu qotomiyey xeerka iyo qawaaninta u degsan qaranka Soomaalida. 

Prof. Geedi ayaa kaga digey shirkadaha shisheeyaha in aysan la heshiinin shaqsiyaad qowleysataa oo uu ku tilmaamay in aysan sharci aheyn.  Maamulka gobolka Bari ayaa la baxay magac uu ku doonayo inuu goonidiis dhinac uga istaago Jamhuuriyada Soomaalida, waxeyna marar badan intii Col. Cabdullahi Yusuf uu iskiis isugu magacaabay inuu yahay madaxweynaha maamul gobeleedkaas uu degaankaas ka raacdeeyey wadaniyiin Soomaaliyeed ee uu ku tilmaamay shisheeye aan u dhalan gobolkaas. Sidoo kale ayaa madax beeleedyada ka taliya gobolkaas ay marar badan muujiyeen in arrimaha dalkooda aan la soo faragelin iyaga keliyana loo daayo, meesha siyaasiyiin fara badan oo ka soo jeeda gobolkaas ay ku doonayaan hanashada maamulka sare ee qaranka Soomaalida, arrintaasna ay ku noqoneyso caqabad hortaagan wadaaga hal dowlad iyo hal dal. Madax beeleedyadaas kuwii ugu dambeeyey ayaa dhowaan heshiis u saxiixay shirkad Australia laga leeyahay oo baaritaano shidaal ah ka bilaabeysa deegaanadda Bari.

Gobolka Bari oo ah dhul uu ka soo jeedo Col. C/hi Yuusuf, horeyna uga  soo ahaa madaxweynaha maamul goboleedkaas ayaa ah dhul lamadegaana oo aan lahayn kheyraadka xoolaha iyo beeraha, waxeyna dadka ka soo jeeda gobolkaas had iyo jeer ay daneeyaan iney isaga guuraan oo ay degaan koofurta Soomaaliya degaanada hodonkaa. Dadkaas waxey kala kulmaan soo dhaweyn degaanada ay u qaxaan sida Kismaayo iyo Xamar, waxaase markasta dadweynaha Soomaaliyeed dhegahooda ku soo dhacda in dadka ka soo jeeda Bari ay jecelyihiin dadka kale ee Soomaalida iney la wadaagaan degaankooda laakiin ay doonayaan koodu inuu gooni iyaga keliya u ahaado.

Dadka ku xeel dheer arrimaha aragtida ay wadaagaan Col. Cabdullahi iyo Prof. Geedi ayaa ku tilmaamaya hadalka ka soo yeeray Prof. Cali Maxamed Geed oo ah canaan ku wajahan Bari iyo shirkadda Australia uu noqon karo mid xasaasiyad ka dhex abuuraysa labadda nin,  waa haddii Prof. Cali Maxamed Geedi hadaladda uu ku hadlay oo waafaqsan qeynuunka u degsan xeer qarameedka uu ku adkeysto. Waxaa hadalka Prof. Geedi ka horreeyay mid uu jeediyay Col. C/hi Yuusuf toddobaad ka hor mar uu wareysi siiyay wakaaladda wararka ee Reuters hadalkaasi  oo uu korneylku ku sheegay in uusan kala jecleyn cidii baarta kheyraadka dabiiciga ee Soomaaliya. Waxaana hadalkiisa loo macneystay inuu ugu hiilinayo beeshiisa degta Bari oo uu ku dhiirigelinayo ineysan danahooda cid kale ugu xirmin

 

 Maxamed amiin, Buluugleey Soomaaliya

 

 HOME