Magaaladda Jowhar ee fadhiga u ah Col. C/hi Yuusuf oo lagu
xiray Siyaasi ku baaqay in ay is casisho Dowladiisu
Buluugleey,
Saturday, September 03, 2005
Siyaasigan oo ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa loo xiray mar
uu ka hadlay wax qabad la’aanta Col. Cabdullahi Yusuf,
isagoona ku baaqay in dowladiisu is casisho. Col.
Cabdullahi ayaa ku soo noqday Jowhar isagoo aqoonsi iyo
dhaqaalaba looga soo deyriyey dibeda, lagulana taliyey inuu
joojiyo dagaalada uu oogayo. Mareykanka, Yurub, iyo wadamada
Carabtuba waa diideen iney wax taagerro ah siyaan
maamulkiisa ku saleysan jabhadnimada. Dharbaaxadaas dibeda
uga soo dhacday Col. Cabdullahi Yusuf ayaa waxaa ugu
darsoomay haraati kaga timid siyaasiyiintii ku fekerka ahaa
oo siyaasada Jowhar u arkay mid gablana oo lagu sii kala
dareerayo. Siyaasiyiin badan oo ku fekera Col. Cabdullahi
Yusuf ayaa isaga tegey Jowhar iyaga oo ku gaabsaday xaalada
ah arag oo dhowr bal waxa dhaca. Kuwo kamida siyaasiyiintaas
qarkoodna waxey furteen afka oo waxey goosteen iney ka
horyimadaan siyaasada ku saleysan jabhadnimada keliteliskaa.
Jaamac Aadan Dheere ayaa arrinta siyaasada Col. Cabdullahu
Yusuf kaga hadlay shir saxaafadeed uu ku qabtay shalay
magaaladda Jowhar taasi oo ah arrin ku cusub in lagu
sammeeyo magaaladda Jowhar oo uu kaligiis ka taliyo Maxamed
Cumar Xabeeb, Maxamed Dheere oo ay imminka marti u tahay
garabka dagaaloogayaasha uu u taliyo Col. C/hi Yuusuf oo
xaruun ka dhigtay magaalada Jowhar.
Baaqa ah in ay is casilaan qeybaha uu u taliyo Col.
Cabdullahi Yusuf, ayuu Jaamac dheere jeediyay xilli uu
Jowhar ku suganyahay Korneel C/hi Yuusuf oo walaac
siyaasadeed kala soo hoydey safaradiisii uu dhowaan
dibeda ugu kicitimay. Waxaa marar badan la saadaaliyey in
siyaasada korneylka aysan ka dhamaaneyn qorshooyin aan
aragtiyo fog ku saleysneyn.
Siyaasiga Jaamac Aadan Dheere ayaa ku eedeeyay Col.
Cabdullahi Yusuf in uu ku guuldareysatay mas'uuliyadii loo
soo doortay isla markaana ay taladiisu abuurtay in ay kala
qeybiso ummadda Soomaaliyeed. Col. Cabdullahi Yusuf kuma
uusan guuleysan inuu ka helo ummadda Soomaaliyeed kalsooni
si ay ugu aqoonsadaan madaxweyne, wuxuuna ku dhabar jabay
maamul hoosaadka tuulooyinka Bari iyo Jowhar oo maalin walba
ay ka taagan yihiin xaalado ay siyaasadiisii ka badin weysey.
Ciidamada qowleysatada maamulka ismagacaabay ee gobolka Sh/dhexe
ee ka amar qaata Maxamed Cumar Xabeeb-Maxamed Dheere ayaa
xabsiga utaxaabay Jaamac Aadan Dheere iyadoo xarigaasi lala
xiriirinayo shirka jaraa'id ee uu shalay qabtay Jaamac Aadan
Dheere, kuna dhaliilay dowladda Garabka Jowhar.
Col.
Cabdullahi ayaa bixiyey amarka lagu xiray Jaamac , taasna
waxey tusaale u tahay waxa uu maagan yahay korneylka oo ah
dhismaha dowlad kelitelisnimo, taas oo caburineysa fekerka
siyaasiyiinta iyo ku tumashada xoriyada hadalka iyo xuquuqda
dadnimada.
Jaamac Aadan Dheere oo isugu siyaasad ahaan uu taageersanaa
Col. Cabdullahi Yusuf iyo garabkiisa ku sugan magaalada
Jowhar ayaa socdaalo uu ku doonayo in maleeshiyooyin beeleed
uu ku xareeyo waxa uu ku tegey gobolka Gedo oo uu ka soo
jeedo, degmada Xudur, iyo Ethiopia, iyadoo markii dambena uu
yimid magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh.dhexe oo markii
ugu horeysay ee uu soo galay xabsiga loo taxaabay muddo
saacado ahna uu xirnaa iyada oo xilligaasi la weydiiyay cida
damiinan karta maadaama beeshiisu aysan ka soo jeedin Bari
ama degaanka Jowhar. Wadani Soomaaliya oo dhulkiisa lagu
weydiinayo ruqsad uu ku galo waxey horseed u noqoneysaa
siyaasada xabashida ay ku dooneyso iney ku qeybiso ummadda
Soomaaliyeed. Magaaladda Jowhar oo xaruun u ah maamulka Col.
Cabdullahi ayaa ah magaaladda keliya ee Soomaaliya ku taala
oo qof soomaaliyeed la weydiinayo xilliga uu galayo
magaaladaasi damiin iyo mas’uuliyad, waxayna arrintani timid
tan iyo markii ay magaaladaasi fariisin u noqotay garabka
Col. C/hi Yuusuf oo dhaqaale badan looga helo sugida
amaankiisa.
Mana ahan markii ugu horeysay oo dad siyaasiyiin ah ama kuwo
kale xabsiga loo taxaabo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka
Sh/dhexe. Dagaaloogaha ka taliya gobolkaas ayaa maamulkiisu
ku dhisan yahay sidii looga tacban lahaa dhaqaalo Col.
Cabdullahi Yusuf iyo siyaasiyiinta la fekerkaa, dowlada ka
jirta Jowharna loogu raadsan lahaa dhaqaalo. Cid kasta ee
loo arko yaboohaas lagu xoolo raadsanayo iney ka soo
horjeedo ayaa waxey kala kulmaan dableey calooshooda u
shaqeysteyaala tacadi ay u geystaan naftooda, hantidooda iyo
tan ehelkooda.
Maxamed
Amiin, Buluugleey, Soomaaliya.