Dagaal aad ba’an ayaa ka socda
dhulka Soomaali Galbeed
Buluugleey July 14, 2005
Dagaal aad ba’an ayaa ka socda
dhulka Somali Galbeed, gaar ahaan Jigjiga iyo Raaso. Dagalkan
ayaa u dhaxeeyaa laba beelood ee wada dagta dhulka Somali
Galbeed.
Dagaalkan ayaa ka sii daraya afartii maalmood ee ugu danbeysay,
waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in uu ka bilawday markii
ciidamda laad u hubeysan kasoo duleen dagmada Iimay bari ay
werar kusoo qadeen bundada oo fariisin u ahayd cidamada Iimayda
galbeed.
Dagaalkan oo weli socdo ayaa waxaa ku dhintay dad kor udhaafay
400 oo iskugu jira caruur iyo dad waaweyn intaa in kabadanna waa
ay ku dhawacmeen. Ilaa hadda ma jirto cid u gurmatay daweynta
dadka ku dhaawacmay dagaalka oo la sheegayo in badankooda ay aad
ildaranyihiin.
Dagaalkan ayaa aad uga ballarnaa dagaldii ka dhici jiray dhulka
Soomali Galbeed intii ka danbeysay dagaalkii 1977. Waxaa wararku
sheegayaan in labada dhinac isku adeegsanayaan hubka cul-culus
ee saaran gawaarida dagaalka ee loo yaqaano tiknikada.
Labadan belood ee dagalmaya waxay horay ugu dagalmeen dagmada
Lagahidda, Salxaad, Garbo, Carmale, dhgaxmadow, laab iyo dhulal
kale oo far badan.
Dawladda Ethiopia oo sida la ogsoonyahay ka danbeysa collaadan
mudosoo
jiitamaysay oo u dhaxeysa labada beelood ee Soomaaliyeed
ayaa ilaa hadda xukuumada
Mile Zanawi
wax hadal ah kasoo sarin. Taasina
waxay daba joogtaa cadowtanimada ay u hayso dadka Soomaaliyeed
ee dhiigooda qubanaya.
