Xuska sanad guuradda saddexaad ee
dilkii Suldaan Hurre
Buluugleey August 16, 2005
Bisha Agoosto 17keeda 2003 ayey aheyd markii
dilkii naxariis darrada aheyd ee Suldaan Axmed Maxamed Hurre loo
geestay. Suldaan Axmed Hure ayaa dilkiisa la aaminsanyahay inuu
ka danbeeyay Col. Cabdullahi Yusuf, oo xilligaasi madax ka ahaa
dowlad gobaleedka loo yaqaan Puntland. Suldaan Axmed waxaa lagu
toogtay tuulada Kala-bayr ee ku taal gobolka waqooyi Bari.
Suladaan Axmed Hure wuxuu ahaa
geesi aqoon sare leh, isla markaasna ahaa nin aad
looga yaqaan dalka Soomaaliya. Suldaan Hure waxuu soo ifbaxday
markii ay siyaasada dowlad gobaleedka Puntland cakiranytay oo
uu Col. Cabdulaahi Yusuf ku adkeystay inuu xukunka marnaba ka
degeynin. Mudadaas ayaa
Suldaan Axmed Hure dowr weyn ka ciyaarey
siyaasada gobolka waqooyi bari, wuxuuna si geesinimo leh u hor
istaagay diktatooriyadii ama xukun kororsigii Col. Cabdullahi
Yusuf oo markaasi ku doonayey inuu awooda maamul gobaleedka
Puntland ku sii hayo.
Suldaan Hurre wuxuu ahaa nin mabda' adag, hadal
cad ee aan marnaba seegein abaarta hadalka uu leeyahay, wuxuuna
si toos ah uu gaashaanka ugu dhiftay siyaasada qallafsan ee
Col. Cabdullahi Yusuf oo mudadaasi ku hoggaaminayey shacabka
reer Puntland. Suldaanku wuxuu ka mid ahaa odayashii isku raacay
inaanan Col. Cabdullahi maalin qura xukunka loogu darin, ayagoo
markaasi ka duulayey dastuurka u degsan dowlad gobaleedka
Puntland.
Col. Cabdullahi Yusuf oo astaantaamaha
diktatooriyada aanan marnaba ka marneyn ogaadey in Suldaan
Hurre halis ku yahay kursigiisa. Kolkaas ayuu Col. Cabdullahi
bilaabo dagaal mutaxan oo ku mucaaridayo boqrnimada Suldaanka,
wuxuuna isku dayey inuu ka dhinac sameeyo caaqil kale, laakiin
kuma guuleysanin oo wuxuu Suldaanku noqday dayax shan iyo
tobnaad aan sacabo qarin Karin.
Inkastoo dilka Sulaan Axmed Hure ay dileen ilaada
Col. Cabdullahi Yusuf, hadane waxaan meesha ka marneyn in Col.
Cabdulahi Yusuf ka danbeeyey dilkaas naxariisdarrada leh.
Baaritaan madax banana oo ay sameeyeen ehelada Suldaanka
ayaa runtii ku soo arooray in Col.
Cabdullahi Yusuf uu marka ay ilaaladiisu
suldaanku la beegsanayeen rasaasta uu ku sugnaa meel aan ka
fogeyn, wuxuuna hogaaminayey hawlgalkii lagu dilay Suldaan Hurre.
Dilkaas waxashnimada ah ayaan ah mid Col.
Cabdullahi weli ku sii indha cad yahay, waxaana daliil u ah
dabka uu dhawaantan ka hurinayo magaala madaxda Soomaaliya
Muqdisho, Gobolka Bay, Mudug iyo Jiida u dhaxeysa Soomaliland
iyo gobolka Puntland.
Col. Cabdulahi Yusuf baan ahayn nin aan marnaba
ka arrimin nabad iyo xasilooni toona, waxaana looga fadhiyin
heshiis iyo maslaxo uu dhex-dhigo dadka Soomaaliyeed ee dagaalka
sokeeye aafeeyey.
Hadabo waxaan ku boorrinaynaa Somalida, bulshada
caalamka iyo hay’adaha xaquuqul insaanka inay u fiirsandaan
ficillada kaliyetalisnimada ah iyo tacaddiga uu Col. Cabdullahi
u tafaxaydanyo si uu u fashiliyo
nabadeynta laga wado dalka
Soomaaliya.
Waxay bahda shabakada Buluugleey Ilaah uga
baryeynaa in marxuumku janada ka waraabiyo, ehelediisuna samir
iyo iimaan ka siiyo.
