Dagaalka
Muqdisho ka soo socda ayaa u muuqda mid mar labaad iska hor
keenaya kooxihii Mujaahidiinta iyo qolooyinkii Suluxa kuwaas oo
kala degen Waqooyiga iyo Koofurta Muqdisho.
Buluugleey,
April 19, 2006
Hadda ka hor
markii xoogaga USCda ay rideen dowladii Siyad Barre ayey waxey u
kala jabeen laba koox oo xaga fikirka ku kala duwan sidaas
awgeedna ku dagaalamay. Dagaalka ka dib ayey aragti kala
duwanaantii waxey isku rogtey laba beelood oo awooda ku
dagaalamaya, sidaasna waxey Muqdisho ugu kala go’day laba
qeybood oo ilaa iyo hadda magaalada Xamar u qeybisay Waqooyi iyo
Koofur.
Kooxda kowaad
waxey ahayeen jabhadihii ka soo dagaalamay gobolada, kuwaas oo
dhiig fara badan u soo daadiyey tuurista keligitaliyihii
milateriga marxuum Siyad Barre. Kooxdaan oo ah halyeeyo naftooda
hurayaal ah ayaa waxey aaminsanayeen in dalka ay xukunkiisa
qabtaan dhamaan jabhadihii xubeysnaa inta laga sameynayo
doorasho guud. Dadka Muqdisho ayaa kooxdaan u yaqaaney
mujaahidiin u soo halgamey tuurista xukunkii kelitalisnimada ku
dhisnaa.
Kooxda labaad
waxey ahaayeen ganacsato, madaxdii dowladihii rayidka ee
musuqmaasuqa, iyo kooxo rayid iyo ciidan isugu jira oo ka soo
horjeedey dowladii Siyad Barre. Kooxdan ayaa maskax iyo hanti
fara badan u huray sidii loo ridi lahaa maamulkii kelitaliska
ahaa, waxeyna kooxdan aaminsanayeen in la sameeyo dowlad rayida
oo ku dhisan adeegsiga ama meel marinta danaha gaarkaa.
Hadda ayaad u
moodaa in fikirkaas uu dib u soo laba kacleynayo, waxaana
magaalada Xamar hadda isugu hub aruursanaya kooxihii kala
taageersanaa labadaas fikradood, kuwaas oo ku biyo shubanaya
beelaha kala degen Waqooyiga iyo Koofurta Muqdisho. Inta badan
maleeshiyooyinkii mujaahidiinta ayaa u rogmadey dhinaca diinta,
meesha kooxda Suluxa ay u rogmadeen calooshooda u shaqeystayaal
u adeega dano shisheeye oo ku xoolo raadsanaya la dagaalanka
diinta Islaamka.
Qabqablayaasha qaar ayaa dhiirogeliya bilowga dagaalka oo ka
qeyb qaata, kadibna isaga baxa marka ay arrintu isku rogto
dagaal beeleed ama ay beeshooda uga timaado cadaadis muujinaya
inuu isaga dhexbaxo laba beelood dagaal ka dhexeeya. Dadka qaar
ayaa ku tilmaama dagaaloogayaasha ku dhex jira beelaha
isdagaalamaya kuwo huriya dagaalada loo soo agaasimey in laga
dhex dhaliyo beelaha fikirka ku soo dagaalamay.
Wadaadada
degen koofurta Muqdisho ayaa iskood isugu xilsaaray iney
naftooda u huraan sidii ay shacabka Muqdisho ugu sameyn lahayeen
nidaam garsoora oo ku dhisan diinta Islaamka. Kooxdaan waxey u
muuqdaan iney yihiin mujaahidiin naftooda u huraya in dadka loo
keeno nidaam kala xukuma, waxeyna daneynayaan mushaar la’aan in
ay dadka ka difaacaan dhibaatada ka dhalatay dowlad la’aanta.
Ilaa iyo hadda uma muuqdaan kuwo xukun ama xoolo doona, laakiin
waxey ku adag yihiin mustaqbalka iney hirgeliyaan xukunka
Islaamka oo aysan ilaa iyo hadda ummadda Soomaaliyeed aysan qaab
dowladnumo afti ku qaadan ku dhaqankeeda.
Kooxda labaad
oo ka kooban qabqablayaasha dagaalka Muqdisho ayaa ah koox ka
soo hartay qoloyinkii dhinaca fekerka marba qolo raacayey,
laakiin u liicsanaa dhinaca kooxda Sulux oo Soomaalidu u taqaano
kuwa ku daneysta nabada iyo ukala ergeynta. Kooxdan ayaa u
muuqda kuwo dantoodu ay tahay iney helaan awood iyo xoolo,
waxeyna jid kasta u marayaan sidii ay ku gaari lahayeen
danahoodaas ayna ula dan wadaagi lahayeen shisheeye iyo
sokeeyaba. Waxa keliya ee kooxdan ay sharaf uga helaan shacabka
Muqdisho iyaga oo meel cad iska mariyey cadowtinimada Itoobiya
iyo qabyaalad ku xukunka dowlad Col. C\llahi Yusuf.
Waxaa loo soo
jeediyey wadaadada ineysan ku deg degin dagaalka ay la gelayaan
kooxda qabqablayaasha oo awoodoodii ay noqotay gabal sii dhacaya.
Sidoo kale waxaa lagula talinayaa wadaadada ineysan diinta u
adeegsan iney ku gaaraan nidaam dowladeed, taas oo u baahan
doorasho ay ummada Soomaaliyeed ku qaadato nidaamkaas dowladeed,
taas oo hadda loo arkay midaan muuqan, dadkuna uusan diyaar u
ahayn dowlad la'aanta awgeed.
Waxaa dhanka
kale qabqablayaasha loo soo jeediyey iney joojiyaan dagaalka ay
kula jiraan diinta, aysana ku qaldamin dagaalka diinta oo aysan
horay u aqoon. Waxey dadka intiisa badan qabaan iney dhamaatay
qabqabtii iyo dagaalkii la isku muujin jirey. Awoodooda dhacday
waxey astaan u tahay kala guur soo dhameyneysa nidaamka fowdada,
kaas oo fursad u ahaan jirey sii jiritaanka nidaamka
qabqablanimada.
Waxaa la
saadaalinayaa inuu dagaal Muqdisho ku dhexmarayo labadaas
kooxood haddii aysan labaduba ka tanaasulin danaha ay kala
wataan oo iska hor keenaya kooxahooda, kuwaas oo labada
kooxoodba ay iskood isugu xil qaadeen fulintooda. Waxaa
maslaxadu ku jirtaa in la joojiyo adeegsiga diinta loo
isticmaalayo qaab maamul iyo la dagaalanka diinta lala
kaashanayo dalal shisheeye.
