Xaaji Muuse Suudi yalaxow: “Muqdishu Waan Nabadeyn Doonaa, ee
Marmarsiiyo Kale maxaa u ah Kooxda Jowhar”
Buluugleey, Thursday, September 1st, 2005
Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah
dagaaloogayaasha fadhigoodu yahay magaaladda Muqdishu ee ay is
hayaan dhinaca kale ee Col. C/hi Yuusuf oo ay xaruuntoodu tahay
Jowhar ayaa sheegay in dhinacooda ay nabadeyn doonaan
magaaladda Muqdishu ka dibna la arki doono waxa kale ee u
qarsoon kooxda Jowhar. Warkaas waxaa laga soo xigtey mar uu
maanta si xamaasadeysan uu ula hadlayay saxaafadda Muqdishu.
Xaaji Yalaxow waxa uu sheegay in xubnaha wasiirada ee ku sugan
Muqdisho ay yihiin magac u yaal tan iyo inta ay soo afjarayaan
wax ka qabashada hawlaha lagu sugayo amniga gobolka Banaadir.
Waxa sidoo kale uu sheegay iney socdaan dhameystirka hawlaha
lagu sugayo amniga gobolka Banaadir, taasoo uu tibaaxey iney
udub dhexaad u tahay dhaqdhaqaaqyada xubnaha dagaaloogayaasha ku
sugan magaalada Muqdisho.
Xaaji Yalaxow waxa uu xusay in kooxdoodu ay
yihiin magac u yaal tan iyo inta ay meel ay iska saarayaan
amnidaradda ka jirta gobolka Banaadir, oo ah caqabada ugu
horeysa ee hortaagan hawlaha adeega guud ee qaranka Soomaalida
uu ku fulin lahaa waaxyaha dowlada xubnaheeda kala duwan. Wuxuu
sidoo kale sheegay xaajigu iney socdaan hawlaha lagu tababarayo
maleeshiyooyinka ku xareysan xerooyinka Hiil Weyne iyo Laanta
Buure. Isaga oo hoosta ka xariiqay in ammaanka Muqdishu ay sugi
doonaan ciidamadaasi xareysan balse ay dhici doonin ciidamo laga
soo uruuriyey gobolka Bari in ay yimaadaan Muqdishu. Arrintaan
oo uu Muuse Suudi ula jeedo ciidamadda uu Col. C/hi Yuusuf ku
uruursanayo Mustaxiil oo uu ka soo aruursaday beeshiisa iyo
cadowga Itoobiya. Ciidamaddan ay dagaaloogayaasha jooga Muqdishu
ay ku uruuriyeen ayaa wadno xanuun waxa ay ku yihiin
qorshayaasha Col. C/hi Yuusuf iyo dowlada Itoobiya oo sugi la’
iney arkaan Muqdisho oo mar keliya ka amar qaadata.
Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo ah dagaalooge aan waayoaragnimo u
lahayn xeesha dagaalka iyo aqoondarro uu u leeyahay nidaamka iyo
maamulka dowladnimada ayaa ku doodaya iney kala dambeyntii ku
soo celinayaan magalamadaxda dalka Soomaaliya. Dagaaloogayaasha
ka soo jeeda Muqdishu ayaa ah kuwo gacnahooda ku galay dhiig
badan ee sokeeye iyagoo marna adeegsanaya diinta marna cuskanaya
qabiilka ay ka soo jeedaan. Dableyda ay ku uruuriyeen
xerooyinkii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka waa maleeshiyooyin
galay dembiyo badan kana soo jeeda beelaha USCda.
Maleeshiyooyinkaas ayaa ah kuwa aysan xirin wax xeera oo marka ay
rabaan ka soo fakada xeryaha ay ku jiraan iyagoo wata gaadiidka
dagaalka si ay jidgooyooyinkii ay rayidka ku baadi jiriin ugu
noqdaan marka ay waayaan agabkii ay ku noolaan lahayeen.
Inkastoo aysan waxba isdooriin dagooloogayaasha
meelkasta oo ay joogaan iyo beelkasta oo ay ka soo jeedaan,
haddana Xaaji Muuse Suudi Yalaxow iyo dhagarqabayaasha ay isku
heybta yihiin ayaa ah kuwa ugu liita oo Muqdishu ay ka noqon
weysey magaalo u noqota caasimad Soomaalida dhamaanteed. Waxey
diidayaan ciidan beeleed ka yimaada Bari, waxeyna doonayaan
ciidan beeleed ka yimaada degaanka Banadir inuu keligiisa
magaalomadaxda Soomaaliya ay ka noqdaan saraakiisha suga
nabadgelyada. Waxaan isweydiin laheyn in aragtidooda gaaban ay
ku dhamaan doonto guuldaro sida ku dhacday Col. Cabdullahi Yusuf
oo ku soo hogaamiyey Soomaalida danaha cadowga Itoobiya iyo
dowladnimo ku qotonta dano qabiil.
Soomaalida waxaa nabadeyn kara shaqsiyaad ka
fayoow afooyinkii loo geystey shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed,
waxaana u horseedi kara sinaan iyo xoriyad buuxda oo ay ku
helaan dalkooda nidaam ay hagayaan aqoonyahano dadku toos u soo
doorto oo dadka u qora ciidan nadiifa iyo shaqaale lagu soo
xulay ku adeegida xirfadooda iyo kartida aqoontooda.
Maxamed amiin, Buluugleey Soomaaliya
