Dagaal ee ka socda Soomaali
Galbeed oo lagu dilay Taliyihii Jabhadda O.N.L.F
Buluugleey July 20, 2005
Dagaal u dhax maray laba beelood oo Soomaaliyeed
ee wada dega Soomali Galbeed ayaa sheegaya in uu sii weynaaday,
wuxuuna dagaalku ku sii ballaartay gobolka Goday iyo Fiiq gaar
ahaan degmooyinka Salaxaad iyo Iimay. wararka naga soo gaaraya
aagga hore ee dagaalkii shalay dhacay ayaa waxaa ku dhintay sida
wararku sheegayaan in ka badan 180 qof kuna dhaawacmeen tiro
intaa ka badan. Wararku ayaa daray in dagaalka oo ay markii hore
soo qaadeen beel ka mid ah beelaha degan Soomaali Galbeed oo ay
la safanyihiin ciidanka Jabhadda ONLF ayaa weerar ballaaran ku
soo qaadeen beesha deggan degmada Iimay iyo salaxaad. Dagaalku
ayaa ku sii ballaartay kuna siifidayo deegaanka Goday.
Warar leysla dhexmaraya ayaa sheegaya in Iimay
lagu dilay taliyihii Ururka ONLF Uurdoox iyo madax kaloo magac
ku leh beesha weerarka soo qaaday.
Haddabo dagaalkaan oo aan ilaa hadda aan wax war
ah laga maqlin taliska Xabashida ayaa sida la ogsoonyahay ka
danbeysa hurinta colaada u dhaxeysa labada beelood oo
Soomaaliyeed ee degaankaasi ka dhaxeeyo.
