ADDIO ITALIA
“Soomaaliyeey Diida
Gumeeysi Diida” “Diida Sunta Nuklearka”.
11
december 2005
Waxaa maanta magaaladda Muqdisha ka socda mudaharadka looga soo
horjeedo dowladda Talyaaniga oo ku xad gudubtay dhaqdhaqaaqa dib
u heeshiisiinta, nabadda iyo Xeerka Soomaaliyeed.
Waxaan xusid mudin in
mudahaaradkaas ay ka qayb qaateen Hooyooyinka Soomaaliyeed
oo waaligoodba hiil iyo hoobo u hayay Nabadda ummadda
Soomaaliyeed. Dhaqdhaqaaqa iyo Isbaadalka Mushtamaaca
(social movement) ee waddan walba waxaa uu biloowda marka ay
dumarku qaybtooda ka qaataan HALGANKA wadaankooda.
Ummadda Soomaaliyeed
wa in ay xaasusta arrimaha soo socda oo ku saabsaan Dowladda
Talyaaniga:
1.
1889 wixii ka
dambeeyay Talyaanigu wuxuu ahaa gumeysi xasid ah
oo falal ka baxsan bini aadnimada ka galay ummadda
Soomaaliyeed. Halkaasna uu ku fuliyaay arrimahiisa dhaqaalo
xaalufin ah oo uu qayraadka dhulkeena siiba beeraha ku yaala
dhulka waabiyaadda maraan oo uu si sharci darro iyo xoog ugu
beeran jiray muuska, qudaarta iyo qasabka.
2.
Talyaanigu wuxuu
taageeri jiray dowladdi Diktatorka aheyd (1969-1991)
oo u macaawino militariga iyo dhaqaale ugu taageeri jiray.
3.
Talyaanigu waxa muddo
ka badan 20 sanno (1983-2005) uu mas’uul ka yahay SUNTA
NUKLEARKA
ee xeebaheena iyo dhulkeena lagu shubaay.
4.
Talyaanigu wuxuu
mas’uul ka ahaa dagaalkii dhex maray Janaral Caydiid iyo Cali
Mahdi.
5.
Talyaanigu
wuxuu sanaadkii
1991 wadaanka soo
galiyay dayaarad lacag ah oo uu halkaas ku kala burburiyay
midnimaaddii ummadda Soomaaliyeed isla mar ahaantaasna uu ku
kala qaybiyay madaxdii USC
ee halgaanka xooreeynta ku riday dowladdii diktatorka aheyd.
6.
Waqtigii UNOSOM iyo
UNITAF (1991-1993) Talyaanigu wuxuu si sharci darro ah oo
bareer ah uu istiicmaalay hubka niyuukleerka “DEPLETED
URANIUM” (DU)
siib goboladda Hiiraan (Jalalaqsi) iyo Banadir (Xamar). Suntaas
nukleerka oo ah hubka ugu qatarsan oo militariga dowladaha reer
galbeedka ku dagaal galaan. DU waxaa loo isticmaalay waddanka
Soomaaliya
7.
Askarti Talyaaniga ee
UNOSOM waxay falaal xasuuq iyo kuwo kale oo ka baxsan xuquulqal
insaanka
(human rights abuse) ay u geesteen ummadda Soomaaliyeed .
8.
Mudaadi dagaaladda
sookeeye 1991-2005 Talyaanigu waxaa uu CUNAQABATEYN ku soo
roogay Muuska laga dhoofiyo Soomaaliya
oo loo dhoofin jiray wadamadda Galbeedka Europe. Taasi oo
ummadda beeraleeyda ah ee Soomaaliyeed
ku kaliftay baahi iyo dhimasho badan.
9.
Talyaanigu wuxuu haatan ku lug leeyahay
khilaafka u dheexeeya DFKMG oo laba garab u kala jabtay.
10.
Talyaanigu wuxuu kale
oo uu sanaadkaan gudaahiisa garabka Jowhar ugu deeqay hub iyo
qalab faro badan oo militari ah,
ujeedadiisuna waxay tahay in la soo cusbooneysiiyo dagaalo
sookeeye oo hor leh. Qalaabkaas waxaa laga soo dajiyay Ceel
Macaan iyo Cisileey. Arrintaan oo dhalisay iskhilaaf dhex mara
dowladda Talyaaniga . Waxaana keenida hubkaan soo abaabulay
danjire Mario Raffaelli oo ah waakilka
dowladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya oo saldhigiisu yahay
Nairobi.
11.
Danjire Mario Raffaelli oo 3dii Disember
2005 wuxuu qudbaad ka jeediyay shir
12.
ay mas’uulyin ka socota beesha calaamka
ay Jowhar ku yeesheen wuxuuna yiri: “Dib u heeshisiin
Soomaaliyeed way dhamaatay” – “Anaguna waan gaareynaa
ujeedadeena” ayuu yiri danjire Mario. Mario Raffaelli
marku leeyahay “Anaga” waxay muujineysa ujeedada siyaasadeed oo
uu gumeeysi cusub Talyanigu (neo-colonialism) la damacsan yahay
wadanka Soomaaliya. Raffaelli wuxuu kale oo uu ku xad gudbay
baahida ay ummadda Soomaaliyeed u qabto dib u heeshisiin iyo
nabad.
http://www.geeskaafrika.com/igad2020_3dec05.htm
Ummadda Soomaaliyeed
waa in ay xasuusataa dhibaatada caruurteena, degaankeena,
qayraadkeena ka soo gaaray sunta nuklearka oo muddo 20
sanno ka badan Talyaanigu wadaankeena ku soo daad gureynayey.
Waxaa maalin walba wadaankeena ku dhashaa caruur qabta cudurka
kanserka, oo waxaa dhalata caruur gacmo iyo lugo la’aan ah iyo
dad badan oo buurooyin waaweeyn oo middiba 15 kilo ka badan
korkooda ka lulato.Inaa Lillaahi waa Inaa Ilaahi Raajucuun.
Qawaaninta dunida u taal ee loo yaqaano “Basel
Convention”qodobaadisa sida midka 8aad wuxuu ku
saabsanyahay dib u celinta Sunta Nuklearka ah markii aysaan
jirin heeshis dhexmara 2da waddan. Madaama ay suntaasi
waddamadda dunida 3aad ay si sharci darro ah loo keeno,
(Duty to re-import hazardous waste back to the country of
origin) “Waa in sunta nuklearka dib loogugu celiyaa wadaanka
laga soo dhoofiyay”.
Marka ay
ummadda Soomaaliyeed heshiiso oo nabad iyo dowlad cadaalad ku
dhisan la helo, waxaa ummadda Soomaaliyeed ku waajib ah in ay
Dowladda Talyaaniga oo si sharci darro ah Sunta Nuklearka ugu
duugtay wadankeena waa inTalyaaniga dacwad lagu soo oogaa oo la
horkeenaa Maxkamadda Cadliga ee Adduunka. “International
Court of Justice” si dib suntaas wadanka Talyaaniga dib loogu
celiyo.
Waxyaabaha uu ka shaqeeynaayo Amb. Mario Raffaelli waxaa weeye
in aysaan Soomaaliya ka dhalan dowlad karti leh oo u adeegta
danaha ummadeeda.
Waa in ummadda
Soomaaliyeed xasuusata in ay dowladda Talyaaniga waligeed u
hayso ummadda Soomaalida cadowtinimo iyo midab takoor joogta
ah. Waxaa kale oo jira in Soomaali badan oo daganeyd dhulka
Talyaaniga oo tiradoodu ka badan tahay 350,000 oo qof ay ka soo
haajiray wadaanka Talyaaniga oo nabadgelyo qaaxootinimo
weydiisteen wadamadda kale ee Europe iyo Waqooyiga Amerika.
Dadkaan Soomaaliyeed
oo ka sii haajiray wadanka Talyaaniga ayaa uu adkeeysan waayay
dhaqan xumadda, sharci darada iyo midab takoorka ay kala kulmeen
dowlada Talyaaniga. Soomaali badan ayaa sanad walba waqtiga
barafka uu dhinta qaboow daradeed oo ku dhinta magaalooyinka
waaweeyn ee ka tirsan dhulka Talyaaniga. Arrintaan damiir
la’aanta ah ayaa ka baxsan sharciga dunida ee qaxooti u yaal iyo
xuquuqal al insaanka.
Dowladda Talyaaniga ay
wax talo ama taayo ah oo ay u haayso ummadda Soomaaliyeed ma
jirto ee ha laga tashado. Addio Italia.
SOOMALIYA HA NOOLATO.
Amina Abdi
Mohamud
DonnaSomala@yahoo.com
