Boqortooyada Sucuudiga oo dad Soomaaliyeed
masaafurisay
Buluugleey,
Juun 7, 2005
Boqortooyada
dalka Sacuudiga ayaa labadii todobaad ee inaga tegay soo
masaafurisay dad Soomaaaliyeed oo ay tiradoodu kor u dhaafeyso
1500 oo qofood, Waxaana la sheegayaa in tarxiilku uu itaasi ku
ekeen oo wili qaqabashadu socoto.
Ku xigeenka
Wasiir Warfaafinta dowlada KMG Mudane Salaad Cali Jeele ayaa
shir jaraa'id uu ku qabtay magaalada Nairobi ugu baaaqay
boqortooyada Sacuudiga in ay arintaasi ahayn mid ay
masuuliyiinta Soomaaliyeed farxad gelineyso waana wax laga
xumaado. Wasiirka wuxuu shir jaraaidkaasi si cad ugu baaqay in
boqortooyda Sacuudiga ogaadaan in Soomaalida dhibaato badan ka
haysato dhinaca amaanka oo welina dalka ka jirto amaan darro.
Sidaas darted aynan waqtigaan xaadirka ah ku habooneyn in
Soomaalida la raafo. Waa markii ugu horeysay ee masuul sare oo
dowladda FKM ka hadlo dhibaatada haysato dadka
Soomaaliyeed ee ku nool waddanka dibaddisa.
Arrinta
masaafurika ayaa ka danbeysay kadib markii ururka Caalamiga ah
ee u dodo
Xuquuqul Insaanka
(Amnesty International) uu qoray warqad cabasho
ah ee lagu diidan yahay sida ay Boqortooyada Sacuudiga
xuquuqal aadanaha ugu takrifasho, arintaas oo la xiriirtay
markii ay 6 dhallinyaro Soomaaliyeed qudha Sacuudigu ka goyay
iyadoo aan lahayn qareen u doodo. Arritaas oo meel Soomalida ay
dunida ka joogaanba ku cambaareeyeen
boqortooyada Saciidiga falkaasi foosha xun .
