
Madaxda Ururada Mucaaradka oo wali u
xiran kaligii taliye
Meles
Zenawi.
Madaxda urarka macuuradka (CUD) ayaa isniintii maxkamad la
keenay markii ugu horeysay ilaa iyo banaanbaxyadii ka dhacay
Addis Ababa oo geystay dhimasho iyo dhaawac aad u badan.
Maxkamada xukuumadda uu Ra’iisal Wasaaraha ka yahay
Meles
Zenawi ayaa goosatay in lasii hayo 20 kamid ah madaxda
mucaaradka oo maxakamada la keenay iyodoo 14 toban cisho oo
kale la sii hayndoono dibna loo dhigey maxkamada, sida laga soo
xigtay mid kamid ah qareennada madaxda mucaaradka oo la yiraah
Mehrteab Leul.
Dadka xiran ayaa waxaa kamid ah Haile Shewal oo ah ninka
madaxda ka ah xisbiga mucaaradka ee layiraah CUD. Waxaa kaloo
kamid ah ku xigeenkiisa Berhani Nega iyo Ninka Caanka ah ee u
dooda xaquuqda aadanaha Mesfin Wolde Mariam.
Qareenka u doodaya madaxda mucaaradka Mehrteab Leul ayaa yiri
waa na loo diiday in la damiinto walina wax dambi ah oo lagu soo
ogay ma hayno.
Ciidamada amniga ee xukuumadda uu Ra’iisal Wasaaraha ka
yahay Meles
Zenawi ayaa waxay ka sii daayeen
telefishinka
dowladda 32 qof oo la raadinayo oo isugu jira rag iyo dumarba.
Dadka ayaa waxay yihiin madaxda mucaaradka iyo dadka ka tirsan
qaybaha bulshada. Waxayna telefishinka laga soo daayay
sawiradoodii waxayna ciidamada amniga ee Males Zenawi codsadeen
in dadkaas loo soo gacangaliyo. Dadkaan la raadinayo ayaa waxaa
ka mid ah Kifle Mulat oo ah ninka madaxda ka ah Urarka Xorta ah
ee Suxufiyeenta ee Itoobiya.
Waxaa kaloo ka mid ah Netsanet Demissie oo ah nin ku caam baxay
u doodista xaquuda bulshada.
Odayga dhalay ku xigaanka ururka macaaradka Berhani Nega oo
la yiraah Nega Bonga oo 84 yir ah ayaa yiri mar ay wiilkiisa
ciidamada booliska ay keeneen gurigiisa oo la baarayey wuxuu ku
arkay jirdil loo geystay wiilkiisa oo ah dhinaca isha midig oo
uu dhaawac kaga yaaley
Zeleke Wolde Mariam oo ah gabadha la dhalatay nin ku caam
baxay u doodida xaquuqda aadanaha Mesfin Wolde Mariam oo 75 yir
ayaa loo diiday inay aragto mar ay xabsiga tagtay si ay ugu
geyso daawo uu malin walba qaato.
Maraykanka iyo wadamada reer galbeedka ayaa yiri kacdoonkii
dhacay ee dadka lagu laayay laguna xirxiray ururada madaxda
mucaaradka waxay wax u dhintay sumcadii ay dowladda Itoobiya ku
lahayd adduunka.
Ururka Midowga
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Minnesota.
Minneapolis, MN
Somaliconcernorg@yahoo.com
