Xubno ka socda Caalamaka deqda bixiya ayaa
la filayaa inay Muqdisho yimaadaan
Buluugleey,
April 26, 2005
Xubno ka socda Wakiilada Beesha Caalamka ayaa la filayaa inay
dhawaan yimaadaan Magaalada Muqdisho. Wakiilada Beesha
caalamka oo fadhigooda yahay Nairobi ee dalka Kenya ayaa la
sheegaya inay rabaan inay la kulamaan xubnahan barlamaanka ee
ku sugan magala madaxda Muqdisho, kadibna sidii ay ugu soo celin
lahaayeen dalka Kenya.
Xiriir teleefon oo dhex maray xubnaha Labada gole ee Muqdisho ku
sugan iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee Nairobi ku sugan ayaa
miri dhal noqonin,iyadoo xubnaha muqdisho ku adkeysteen inaysan
ku laaban doonin Nairobi ilaa iyo inta ammaanka magaalada
muqdisho wax laga bedelayo.
Ku
xigeenka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ahna Wasiirka Warfaafinta
Maxamuud C/llaahi Jaamaca “Sifir”ayaa u qaabilsanaa xubnaha
xamar jooga xiriirka dibadda ayaa isagu la sheegay in teleefonka
kula hadlay xubnaha beesha Caalamka.
Xubanaha barlamaanka ay ku sugan
Muqdisho waxay dhawaan dar-dar cusub geliyeen sidii loo sugi
lahaa nabadda gobolka Banaadir. In kastoo ay jiraan caqabado la
xiriiro fikrado kala gedisan ee ka imaanaya qaar ka tirsan
horjoogayaalka gobolka Banaadir isane waxay madaxda dowlada ku
tala jiraan inay ka mira dhaliyaan khorsha nabadeynta ay ku soo
talagaleen.
