Gudoomiyaha Guddiga wada Xaajoodka Eng. Xuseen Maxamed Cadow oo
raali geliyey Isbahaysiga SNA
Buluugleey July12, 2005
Shir ay ka soo qeyb galeen Gudiga wada Xaajoodka Nabadeynta
Gobolka Banaadir iyo Isbahaysiga SNA oo uu madaxa ka yahay
Mudane Xuseen Cayddid ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Ujeedada kulankaas waxey aheyd sidii loogu guuleysan lahaa
nabadeynta gobolka Banaadir iyo weliba sidii ay iskaga kaashan
lahaayeen ururada bulshada rayidka iyo mas’uuliyiinta labada
gole.
Ka dib Markii wada hadalku uu soo gabagaboobey ayaa
Guddoomiyaha Guddiga wada Xaajoodka Eng. Xuseen Maxamed Cadoow
wuxuu
saxaafadda uga waramay waxyaabihii kulankaas la iskula soo
qaaday, wuxuuna
hadallo kooban ku sheegay in eedeyn ay uga timid Isbahaysiga SNA
oo ku saabsaneyd in aan markii horeba laga qayb gelin howlihii
Isbaaro qaadista ee magaalada Muqdisho. Eng Caddow oo hadalkiisa
sii wato ayaa yiri “Waan uga cudurdaaranay arrintaas, Waxaana
isku afgaranay dhamaanteen in si wada jir ah looga wada shaqeeyo
nabadeynta gobolka Banaadir”. Waxaan kaloo isku afgaranay ayuu
yiri Eng. Cadow in laga wada tashado howl kasta oo la qabanayo
iyo in lala wada hadlo dhamaan dadka madaxda u ah qeybaha kala
duwan ee bulshada, kuwaas oo howlaha nabadeynta gacan buuxda ka
gaysan kara sidii guud ahaan Isbaarooyinka looga suulin lahaa
magaalada Muqdisho.
Waxaa sidoo kale saxaafada isna ugu waramay kusimaha
gudoomiyaha SNA Mudane Abuukar Ganeey oo sheegay in gudiga loo
xilsaaray Isbaaro qaadista iyo nabadeynta degaanka Gobolka
Banadir aysan haba-yaraatee
la soo xiriirin isbaheysiga muddadii 3-da bilood aheyd oo ay
wadeen howlaha lagu tirtirayo isbaarooyinka.
Wuxuuna Kusimaha Gudoomiyaha SNA xusay in iyaga iyo guddiga wada
xaajoodka ay isla meel dhigeen in laga wada shaqeeyo nabadeynta
Gobolka Banaadir lagana qayb qaato howlaha lagu sugayo
nabadgelyada Gobolka Banaadir.
Shirkaas ka dhacay hotel Saxafi ayaa siyaasiyiinta iyo
dadweynaha deggen magaalo madaxda Soomaalida ay ugu muuqtaa
tallaabo weyn oo loo qaaday dhinaca nabada. Isafgaradkaas wuxuu
xoog cusub ku soo kordhiyey siyaasiyiinta ku dadaalaya
nabadeynta magaalada Muqdisho, wuxuuna si toosa u taageerayaa
go’aanada xildhibaanada ay ku doonayaan in lagu hirgeliyo
nidaamka dib-u-heshiisiinta.
Dadka aad u dersa dhaqanka kooxaha iyo dagaaloogayaasha waxey
arrimaha nuucan oo kale ah u fasiraan abaabul cusub oo dib loogu
soo celinayo isbaheysigii ciidan ee USC, kaas oo ay ujeedadiisu
tahay in xabashida iyo xulafadooda Soomaalida looga difaaco
duulaanka ay la damacsan yihiin iney ku waxyeeleeyaan dadweynaha
dega magaalada Muqdisho oo sida adag uga soo horjeeda danaha
cadowtinimada Itoobiya ay ku qeybineyso dalka Soomaalida.
