Guddoomiyaha Barlamaanka mudane Shariif Xasan oo sheegay in Col. Cabdullahi Yuusuf uu yahay  nabad diid,  uuna ku soo hoggaaminayo waddanka  dagaalyahano Itoobiyaan ah

Buluugleey August 23, 2005

Guddoomiyaha BFS Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Col. Cabdullahi Yuusuf uu iska luminayo fursad aad u weyn haddii uu ku sii adkeysto in uusan imaanin magaaladda Muqdishu oo axdiga Qarameedka ku meel gaarka uu qorayo in ay tahay Caasimadda Soomaaliya.

Shariif Xasan Sh. Aadan oo wareysi siiyay wargeyska East African Standard ee ka soo baxa dalka Kiinya ayaa ku eedeeyay Col. Cabdullahi Yuusuf Axmed in uu uruursanayo ciidamo ka soo jeeda Goboladda Puntland oo keliya isaga oo uu doonayo in Ciidamaddan uu ku soo weeraro magaala madaxda Muqdishu. Guddoomiyaha Barlamaanka oo sii wato hadalkiisa ayaa yiri, "Waxaan heynaa cadeyn muujineysa in madaxweynaha uu uruurasanayo maleeshiyo dhowr kun gaareysa oo ay ku jiraan kuwo shisheeye ah oo lagu tababarayo xero ku taala Mustaxiil oo ah gudaha waddanka Itoobiya dhanka soo xigta soohdinta Soomaaliya, arrintaasina lama aqbali karo waxayna muujineysaa in Col. Cabdullahi Yuusuf uusan dan ka laheyn nabad” ayuu yiri Shariif Xasan.

Hase yeeshee Shariif Xasan waxa uu ka digay in arrintaasi ay sii xumeyn karto xaaladda Soomaaliya. Wixiina ka yimaado oo cawaaqib xuma ahna uu dusha saaran doono Col. Cabdullahi Yusuf.

Guddoomiyaha BFS Soomaaliya ayaa dhinaca ku eedeeyay Col. Cabdullahi Yusuf ku tumanayo Axdi Qarameedkii lagu heshiiyay ee shirkii Nabadda Soomaaliya, isaga oo xusay in baarlamaanka aan lagala tashan lana soo marsiin Mowshin ku saabsan sida loo ururuurinayo ama loo dhisayo ciidamadda Qaranka iyo kuwa Bileyska Soomaaliyeed, waxuuna ku eedeeyay Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf in uu jeebkiisa uu kala soo baxay qorshaha ciidamo uruurinta ee uu ka wado qaar ka mid ah Goboladda dalka Soomaaliya.

"Col. Cabdullahi Yusuf  waxuu soo wadaa dagaalyahano Itoobiyaan ah isaga oo doonayo in uu xoog ku soo geliyo gudaha dalka Soomaaliya, laakiin dadka Soomaaliyeed ma soo dhoweyn doonaan ciidmadda Itoobiyaanka ah, waayo Itoobiya waxa ay qeyb ka aheed dhibka ka jira  Soomaaliya” ayuu yiri Guddoomiyaha BFS Shariif Xasan.

Wareysiga uu gudoomiyaha barlamaanka
uu siiyay wargeyska East African Standardayaa ayaa daaha ka qaaday siyaasada dagaal hurinta uu Col. Cabdullahi Yuusuf ku abaabulayo colaad sokeeye ee keeni karta in shicibka Soomaaliyeed ee walaalaha ah in markale dhiigooda daato.


 by: Maxamed Amiin, Buluugleey Mogadishu

   

 HOME