COl.
Barre Hiiraale oo weerar gaadama ah ku qaaday Col. Cigaal oo
xagga fikirka uga soo horjeedo
Buluugleey,
December 3, 2005
Maleeshiyooyinka ka amar qaata Col.Cabdi Cigaal Jaamac ay
bilaabeen in ay dib u isku abaabulaan kadib markii xalay weerar
lagu soo qaaday guriga uu
Col.Cigaal
ka degan yahay magaalada Kismaayo.
Sida uu
Col.Cigaal u sheegay warbaahinta
ayaa weerarka waxaa ku soo qaaday maleeshiyooyin ka amar qaata
Guddoomiyaha Isbaheysiga Dooxada Jubba Col. Barre Hiiraale.
Weerarkaas ayaa wuxuu sababay dhaawac loo geystay mid ka mid ah
maleeshiyooyinka Cigaal, halkaasna kama dhicin wax dhimasho ah.
Dagaalkan ayaa waxaa lagu
beegay saqdii dhexe wakhti la hubiyey in Col. Cabdi Cigaal uu ku
sugnaa gurigiisa. Falkaas gaadmada ahaa ee la soo qorsheeyey in
lagu dilo Col. Cigaal ayaan u dhici sidii loogu tala galay.
Weerarka kadib, waxaana la xaqiijiyey in Korneel Cigaal uu ka
badbaaday isagoo nabad qabana uu ku soo laabtay gurigiisa.
Dhacdadaas isku dayda
weerarka gaadmada ahaa ayaa la aaminsan yahay in ay ka danbeysay
fikirka ay ku kala duwan yihiin Cigaal iyo Barre Hiiraale.
Korneel Cigaal ayaa qaba in waqtigan la joogo aysan habooneen in
uu Barre Hiiraale uu martigeliyo Col. Cabdullaahi Yusuf oo aysan
u cadeyn Cigaal ujeedada ka danbeysa martigelintaas. Col. Cigaal
ayaa waxay ugu muuqataa in kulankaas lagula hadlayo garabka
Jowhar in looga danlee yahay in lagu qeybiyo isbaheysiga oo ka
kooban kooxo aan isku heyb ahayn. Col. Cigaal ayaa wuxuu cabsi
ka muujiyey siyaasadaha aan bisleyn ee uu Barre Hiiraale
ku damacsan yahay inuu isbaheysiga ugu wareejiyo Col. C/aahi
Yusuf iyo loogana soo arimiyo isbaheysigaas xaruunta Jowhar.
Waxaa marar
badan soo baxay siyaasiyiin badan oo ka tirsan isbaheysiga sida
aysan ula dhacsaneyn qaabka uu wax ku maamulayo Barre Hiiraale,
kuwaas oo ay ka mid yihiin Col Jees, Janaraal Morgan, Janaraal
Axmed Warsame iyo Col. Seeraar. Waxeyna taas u muuqataa in Barre
Hiiraale uu doonayo mucaaradka xoogan ee ka heysta gudaha
isbaheysiga iyo kan deegaanka inuu uga gudbo
qabanqaaba uu ku doonayo inuu
siyaasada isbahesiga u raro dhinaca kooxda Jowhar.
Dadka Barre Hiiraale ay
isku heybta yihiinin kalana tirsan maamulka isbaheysiga ay
diidmo xoogan kala horyimid. Khilaafkaas xoogan ee ka dhex jira
maamulka isbaheysiga ayaa laga cabsi qabaa inuu ka dhexdhaliyo
isbaheysiga dhexdiisa dagaal u kala jebiya kooxo ku dagaalama
gacan ku heynta isbaheysiga. Waxa haddaba bilaaban tay qaban
qaabada nuucaasa oo ka socota gudaha Magaalada Kismaayo, kuwaas
oo ay isku diyaarinayaan maleeshiyada uu kasoo jeedo Col.Cabdi
Cigaal Jaamac.
Colaadan
cusub ee ku soo korortay isbaheysiga, una dhexeysa madaxda sare
ee ay isku heybta yihiin Barre Hiiraale ayaa a maleynayaa in uu
ka danbeeyo Col. Cabdullahi Yusuf.
