Wefdi ka socda Midowga
Yurub ayaa la filayaa inuu dhawaan soo gaaro magaalada Muqdisho.
Buluugleey August 8, 2005
Wefdi ballaaran ee ka socda
Midowga Yurub ayaa dhawaantan ku soo fool leh Magaalada Muqdisho.
Wefdiga ayaa lagu wadaa inuu la kulmo xildhibaanada ku sugan
Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Axmed Diiriye oo u
waramayey jaraai’dka ayaa sheegay in maanta shirka ka dhacay
hotel Saxafi ay ka soo qeyb galeen xunaha laba gole ee dowlada
KMG ee ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana shirka gudoominayey
guddoomiyaha barlamaanka Sahriif Xasan. Xubnaha ka soo qeybgalay
shirka waxay kaga wada hadleen sidii loo soo dhawen lahaa
wefdigaas ballaaran ee ka socda Midowga Yurub.
Warku wuxuu intaas ku darayaa
in ujeedadada wefdigu tahay siddii ay ugu kuurgeli lahaayeen
hawlaha nabadeynta ee xildhibaanada ka wadaan magaala madaxda Muqdisho.
Kadibna waxuu wefdigu u sii gudbi doonaa magaalada Jowhar oo
halkaasi ku suganyihiin xubnaha kale ee dawlada KMG.
Midowga Yurub ayaa horey ugu
bixiyey dhaqaale aad u fara badan intii shirkii dib-u-heshiisiinta
Soomaaliyeed ee lagu soo dhisay dowlada KMG ka socday dalka
Kenya. Haatana waxaa la rajeynayaa in wefdigu dadal weyn ka
geysto xallinta khilaafaadka u dhaxeeya labada garab ee dowlada
KMG ah.
