Wefdi ballaran
uu hogaaminayo
mudane Xaaji Yuusuf Baxlaal ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho
Buluugleey, December 16, 2005
Mud.Xaaji Yuusuf Baxlaal oo wakiil ka ah wadamada Carabta ayaa
waxaa laga soo xigaty in uu taageersanyahay madaxweyne Cabdinuur
Axmed Darmnaan. Wuxuu xaajigu ku tilmaamay in mudane Cabdinuur
yahay siyaasi aqoon iyo aragti siyaasadeed leh
ahna wadani wadanka Soomaaliya nabad iyo horumar u horseedi
karo.
Wefdiga ayaa ka kala socday wadamada Urdun, Lubnaan, Canada, iyo Australiya,
waxayna soo gaareen magaalo madaxda Muqdisho waxaana si diiran u
soo dhaweeyey Mudane Cabdinuur Darmaan.
Ujeedada socdaalka wafdigaas lixaadka leh ayaa Xaaji Yusuf ku
timaamay inuu yahay mid wax wadaqabsi iyo dib u dhiska
dalka Soomaaliya. Waxaana la filayaa in dhawaan Soomaaliya laga
furo Banggi Caalami ah ee kala soodsiiyo ganacsiga dalka iyo
dibeddaba.
Waxaa la rajeynayaa in fursadaan wax ku oolka ah uu mudane
Cabdinuur Darmaan kaalin weyn ka qaato, maadaama ay umada
Soomaaliyeed in kabadan 14 sanadood dowlad la’aani tahay. Mudane
Cabdinuur ayaa ayaa la filayaa inuu warsaxaafadeed qaban
doono hadii uu dhamaado kulamada uu la leeyahay wefdiga ka socda
afarta dal ee iskugu jira dalal Carbeed iyo kuwa reer galbeed
ah. Waxaa durbadiiba soo baxaya rajooyin ah in hogaanka
siyaasadeed ee mudane Cabdinuur darmaan yahay mid muuqada oo aan
cidna loodin Karin.
