Waris oo gudniinka hawenka ku timaantay jirdil gabdhaha
yar yar loo geysto
Buluugleey May23/2005
Weris
Xirsi oo ah gabar
Soomaaliyeed ee aad u qurxoon kuna can ah moodelka iyo
dhigista filimada ayaa dhawaantan kula kulantay xafiiskeeda ku
yaal Vienna weriye ka socda wargeyska Associated Press.
Weris waxay u guntatey inay ka badbaadiso gabdhaha loo geysta
gudniinka fircooniga ah ee lagu dhantaalo xubnahooda taranka
qeybo ka mid ah. Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) daraasad uu
sameyay wuxuu ku qiyaasay inta u dhaxeyso
100 milyan ilaa 140 milyan oo
gabdhood in gudniinka Fircooniga ah lagu gudo, waxaana sanad
waliba halis u gasha ilaa 2 milliyan oo gabdhood.
Weris oo horey u qortay buug ay kaga hadleyso gudniinka loo
geysto gabdhaha Soomaaliyeed ayaa horay waxey daboolka uga qaaday
caadadaas gabowday ee dhibka iyo waxyeelada xambaarsan. Weris Xirsi ayaa buugeedaan cusub 'Desert Children" si
tiiraanyo leh uga hadashay dhibaatada ka soo gaartay
jirkeeda iyo dareenkeeda.
Gudidda lagu sameeyo xubnaha taranka haweenka waa caado
gabowdey oo mudo hore soo jirtay, ilaa waqtigaan la joogana
waxaa laga isticmaalaa ugu yaraan 30 dal oo ay ka mid yihiin dalal
Afrikaan ah iyo waddamada Bariga Dhexe.
Gudniinka oo sida badan haweenka jirkooda hoose lagu sameeyo
ayaan lagu sameyn meelo aan nadiif ahayn,
loona adegsado middiyo daxaleystay iyo iyadoo aan lagu
isticmaalin dawada xanuuka bi'sa. Gudniinka ayaa keeni karaa
dhibaatooyin khatar ah sida dhiigbax badan, cudurro fara badan
oo ay ka mid yihiin cudurka dilaaga ah ee loo yaqaan HIV/AIDS iyo
cudurrada dhalmada la xiriira sida madhaleysnimada iwm.
Weris oo buugga ay dhawaan qortay ku xuseysa in carrur badan oo
Yurubta ku nool weli la gudo. Waxayna tiri," Carrurtaas waxaa loo
soo dhoofiyaa waddama Yurubta meelo ka baxsan si loogu soo gudo.
Weris Xirsi oo UN-ka safiir u ah una qaabilsan xagga
ladagaalanka gudniinka ayaa tri, “waxaan ka hadleyno ma aha
ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ama cunta dhaqameed ay soo
bandhigayaan qowmiyado, ee waxaynu ka hadleynaa waa jirdil loo
geysanayo haweenka, waana dembi laga gelayo gabdhaha yar-yar".
Si kastaba ha ahaatee,
Soomaalida qaar ka mid ah ayaa weli ku dheggen ku dhaqmida caadadaas ka soo
jeedda dhaqankii Fircooniga ah ee aan waafaqsaneen
bini'aadnimimada kana fog ilbaxnimada. Waayahaan danbe waxaa soo
badanaya hooyooyin badan oo u diidan in gabdhahooda lagu gudin
gudniinka Fircooniga ah.
