Xildhibaan Xaabsade oo ku eedeeyay Wasiirada
dawladda Federaalka qaarkood abaabul dagaal ee ku wajahan
gobolka Bay
Buluugleey,
May 1, 2005
Xildhibaan
Maxameed Ibraahim Xaabsade ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay
Baydhabo isagoo ku eedeeyay in dowladda Itoobiya iyo kooxo ka
tirsan RRA ay ka wadaan abaabul dagaal deegaanka Ceel-Barde
iyagoo ujeedadoodu tahay si ay soo weeraraan gobolka Bay.
Wuxuu
Xildhibaan Xaabsaday si gaar ah u tilamaamay in kuwa hurinaya
colaaddaas uu ka mid yahay Cabdalla Deerow Isaaq oo ah wasiirka
Dastuurka, Shiikh Max’ed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo ah
wasiirka garsoorka waxayna dhamaantooda ka tirsanyihiin ururka
RRA.
Wafdigaas uu hogaaminayao
Cadalla Deerow
tageen magaalada Ceel-Barde oo ay kulan kula yeesheen saraakiil
ka tirsan ciidamada Itoobiya. Ujeedada ugu weyn ay u tageen
waxay aheed si dowladda Itoobiya kaga helaan hub iyo
saanad.
Shir jaraa'idkaan wuxuu ku soo beegmay xilli ay dadweynaha ku
nool Gobolka Bay ay ka rajeynayeyn nabad iyo xasillooni, laakiin
weli waxaa aloosan colaad ay salka ku hayso faragelinta Itopiya.
